4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 19, 2017
Dowladda Kenya oo Bandow saartay Xeryaha Qaxootiga Dhadhaab

 

Axad, Maarso, 19, 2017 (HOL) -Dowladda Kenya ayaa saartay Bandhow xeryaha Qaxootiga Dhadhaab ee dalka Kenya.

Masuuliyiinta dowladda Kenya, ayaa sheegay, in u-jeedada Bandhowga ay tahay adkeynta ammaanka.

Dowladda Kenya ayaa sidoo kale tilmaamtay in si weyn loo adkeyn doono Ammaanka xeryaha Qaxootiga dalka Kenya ee Dhadhaab.

Horay ayaa dowladda Kenya waxa ay Bandow ugu soo rogtay gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya.

Sanadkii 2016, maxkamadda sare ee dalka Kenya ayaa dhageysatay dacwad ka dhan ah go'aanka dowladda Kenya ay ku xireyso xeryaha qaxootoga ee Dhadhaab.

Hay'adda xaquuqul insaanka dalka Kenya ayaa sheegaysa in xiritaanka xerada Dhadhaab ay masiibo ku tahay kummanaanka qaxootiga Soomaalida ah ee ku nool halkaasi, kuwaasi oo ay sheegtay in aysan haysan meel ay ku laabtaan.

Xeryaha Dhadhaab oo loo arko in ay yihiin kuwa ugu ballaaran caalamka ayaa waxaa la aasaasay kaddib colaaddii sokeeye ee Soomaaliya si hooy loo siiyo Soomaalida ka soo qaaxaya dalkooda.

Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu, Somalia