4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 19, 2017
Qarax ay ku dhaawacmeen Hooyo iyo Carruurteeda oo ka dhacay magaaladda Baydhabo

 

Axad, Maarso, 19, 2017 (HOL) -Koox hubeysan, ayaa xalay bam gacmeed ku weeraray guri uu Xaafada Cunaaye ka dagan yahay, Nabadoon Isxaaq Maxamed, oo ka mid ahaa Ergadii Xildhibaanada Baarlamaanka ku doortay Magaalada Baydhabo.

Bam gacmeedka, waxaa ku dhaawacmay sida la sheegay, Nabadoonka Xaaskiisa iyo labo carruur ah oo uu dhalay.

Ciidamada Maamulka Koonfur -galbeed ayaa howlgallo baaritaan ah ka sameyay magaaladda Baydhabo, waxaana lasoo sheegayaa in dad badan ay kusoo qab-qabteen.

Ma jirto cid sheegatay masuuliyada weerarka.

Masuuliyiinta mamulka, ayaa cambaareeyay weerarka, waxaana ciidamadda ay ka dalbadeen in cadaaladda ay hor keenaan kuwii ka dambeeyay weerarka.

Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu, Somalia