4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Mar 18, 2017
Madaxweyne Farmaajo iyo guddoomiyaha midowga Africa oo ka wada hadlay Abaaraha iyo Ammaanka

Sabti, Maarso, 18, 2017 (HOL) –Guddoomiyaha Ururka Midowga Afrika, Moussa Faki Mahamad ayaa maanta booqasho aan la shaacin ku yimid magaaladda muqdishu, waxaana garoonka diyaaradaha kusoo dhoweeyay Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya.

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa xafiiskiisa madaxtooyada Soomaaliya ku qaabilay guddoomiyaha Midowga Afrika Moussa Faki Mahamat, waxaana ay ka wada hadleen arrimo dhowr ah oo ay ka mid ahaayeen ammaanka iyo caawinta dadka Soomaaliyeed ee Abaarta ay ragaadisay.

Guddoomiyaha Ururka Midowga Afrika, Moussa Faki Mahamad oo u dhashay dalka Chad ayaa la filayaa inuu Kulamo la yeesho, Taliska AMISOM iyo Saraakiisha Hay’adaha Caaalamiga.

Waa Safarkii ugu horreeyey ee uu Moussa Faki Mahamad ku yimaado Somalia, tan iyo markii loo doortay Xilkaasi bishii January ee sannadkan, kadib, markii uu ka adkaaday  Musharixiin ka kala socotay Kenya, Senigal, Botoswana iyo  Equatorial Guinea.

Waddooyin magaaladda Muqdishu, ayaa wali xiran.

Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu, Somalia