4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Mar 18, 2017
Mareykanka iyo Masar oo dhex-dhexaadinaya Dowladdaha Soomaaliya iyo Imaaraadka

 

Sabti, Maarso, 18, 2017 (HOL) – Dowladaha Mareykanka iyo Masar, ayaa kusoo biiray dhex-dhexaadinta laga dhex wado dowladdaha Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta, ee ku aadan saldhiga Military ee Imaaraadka uu damacsanyahay in uu ka dhiso dekadda Berbera ee deegaanadda maamulka Soomaaliland.

Dhaxal Sugaha Isutaga Imaaraadka Carabta Sheekh Maxamed Bin Zayed Al Nahyan, ayaa sheegay in saddex dowladood ay ku jiraan wada hadalka u dhexeeya Soomaaliya iyo Imaaraadka.

Wargeyska Egypt’s Al-Watan Newspaper, ayaa daabacay wareysi uu la yeeshay Sheekh Maxamed, " Heshiiska waxaa lala galay dowladdaha Masar iyo Soomaaliya, waxaana uu dhigayaa in dekad ganacsi imaaraadka uu ka dhisto gacanka Gulf of Aden" ayuu yiri.

“Heshiis kale ayaa dhigay in Imaaraadka uu maamullo mudo 30 sano ah dekadda Barbera” inataasi ayuu hadalkiisa uu kusii daray.

Bartamihii bishii lasoo dhaafay ee February, Baarlamaanka Somaliland ayaa ansixiyay heshiis ay Somaliland iyo Imaaraadku ku galeen in saldhig militari uu Imaaraadku ka sameysto magaalada Berbera, heshiiskaas oo soconaya muddo 25 sano ah.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa ka dalbaday dhex dhexaadin in ay ka sameyso Sacuudiga, sidii ay ugu qancin lahayd dowladda Imaaradka Carabta in aysan dhamaystirin saldhig Milateri ay ka dhisaneyso Dekadda Barbera ee maamulka Somaliland.

Dowladda Dhexe ee Soomaaliya sideey u aragtaa:

Dowladda Dhexe ee Soomaaliya, ayaa Imaaraadka ku tilmaamtay in shaki galineyso madaxbanaanida Qaranimada Soomaaliya, waxaana dowladda ay muujisay sida aysan ugu qanacsaneeyn saldhiga military, oo aysan ka warqanin dowladda.

Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa wada mooshin ka dhan ah Saldhiga Milateri ee Imaaraadka carabta ka sameysaneyo magaaladda Berbera ee Somaliland.

Qaar ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka ayaa sheegay in heer gabo gabo ah uu u marayo diyaarinta mooshinkan, ayna maalmaha soo socda hor-geyn doonaan Guddoonka Baarlamaanka.

Dowladda Imaraadka Carabata maxey ku jawaabtay:

Waxaa soo baxay warar sheegayay in Imaaraadka ay safiirkooda kala baxeen Soomaaliya.

Mid ka mid ah Saraakiisha Safaaradda Imaaraadka ee Magaaladda Muqdisho, oo lasoo xiriiray Hiiraan Online, ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay in dolwadda Imaaraadka Carrabta ay u yeeratay safiirkeeda ka jooga Soomaaliya ee lagu magacaabo, Mohammed  Ahmed Othman Al Hammadi.

Warbaahinta Soomaalida ayaa baahiyay in Al Hammadi , uu dib ugu noqday dalkiisa, ka dib markii Imaaradka ay ka caroodeen go’aankii diidmada ahaa ee dowladda Soomaaliya ka soo baxay ee ku saleysnaa saldhiga military.

 “Waxaad la socotaa in safiirka uu ku sugnaa xafladdii caleema saarka madaxweyne Farmaajo, waxba kama jiraan in dowladda Imaraadka safiirkooda ay kala baxday soomaaliya, howllo shaqo ayuu soomaaliya uga maqanyahay, dhawaan ayuuna dib ugu soo noqonayaa Muqdishu,  xiriirka Somaliya iyo Imaaraadka wax mugdi ah kuma jiro” sidaasi waxaa Hiiraan Online u sheegay sarkaal ka tirsan safaaradda Imaaraadka ee Magaaladda Muqdishu oo diilay in magaciisa la xuso.

Diplomaasiyiinta Soomaalidda sideey u arkaan:

Diplomaasiyiinta Soomaalidda oo dhinaca kale la hadlay Hiiraan Online, ayaa sheegay in Imaaraadka aysan ku saxneen iyadoo dowlad-dhexe ay ka jirto Soomaaliya, in ay daba marto.

Somaliland, ayaa sanado ka hor ku dhawaaqday in Soomaaliya inteeda kale ay ka go'een, balse Aqoonsi rasmi ah wali ma aysan helin.

Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu, Somalia