4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 18, 2017
Daawo Sawirada: Tirada dhimashada qaxootiga Soomaalida lagu dilay Yemen oo korartay

 

Sabti, Maarso, 18, 2017 (HOL) –Tirada dhimashada ayaa kor u sii dhaafeysa 40 ruux, kadib markii diyaarad nooca qumaatiga u kaca ay gantaal ku dhufatay doon ay la socdeen qaxooti Soomaaliyeed oo ku sii jeeday dalka Suudaan, kana ababaxday xeebaha Yemen.

Qaar ka mid ah dadkii laga soo badbaashay doonta ayaa sheegay in ay u socdeen dalka Sudan, ayaga oo ka baxsanyey dagaallada ka socda dalka Yemen.

Saraakiil ka tirsan ururka socdaalka Adduunka ee IOM ayaa sheegay in qiyaastii 80 qaxooti ah la soo badbaadiyey, islamarkaana loo qaaday magaalada Xudeyda.

Dowladdaha is-baheysiga, ayaa saaka beeniyay in diyaaradahooda ay ka dambeeyeen duqeynta lagu xasuuqay Qaxootiga Soomaalidda.

Isbaheysiga Sacuudiga uu hoggaamiyo, islamarkaana Mareykanka uu taageero ayaa duqeymo ka fulinayey dalka Yemen tan iyo sanadii 2015, ayaga oo isku dayaya inay magaalada Sanca ka bixiyaan gacan ku haynta Xuutiyiinta.

Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu, Somalia