4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 19, 2017
Booliiska dalka Kenya oo xabsiga dhigay 80 qof

 
Isniin, June, 19, 2017 (HOL) –Ciidanka la dagaalanka argagixisada dalka Kenya ee the Anti-Terrorism Unit (ATPU), ayaa howlgallo tan iyo shalay ay ka sameeynayeen magaallooyin kamid ah dalka Kenya waxaa ay kusoo qab-qabteen dad badan oo looga shakiyay in ay xiriir la leeyihiin kooxaha argagixisada.

Booliska magaallo xeebeedka Mombaso ee dalka Kenya ayaa gacanta ku dhigay rag looga shakisanyahay in ay qorsheynayeen weeraro la damacsanaa in la geysto inta lagu guda jiro maalmaha dabaal-degga Ciida.

Ragga booliska gacanta ay ku dhigeen ayaa la sheegay in todobaadkii hore weeraro ay qorsheynayeen la fashilayay.

Ragga gacanta lagu dhigay ayaa lagu kala magacaabaa, Yaxye Salim Bakari oo ah macalin, Julius Mwandenzi alias Zinde, Zebebwa, Ibras iyo Abdallah Ramadhan.

Laamaha ammaanka ayaa sheegay in raggaasi ay kasoo baxsadeen magaalladda Mombaso balse looga daba tegay magaalladda Nairobi.
Sidoo kale nin lagu magacaabo Mohamed Anguzo, ayeey ciidamada ka qabteen magaalladda Narirobi.

Dhinaca kale 50 qof oo tuhunsanayaal ah ayaa ciidamada la dagaalanka argagixisada ay sheegeen in ay ku dhuumanayaan Nairobi.

“Waxaan warbixin ka helnay sirdoonka KDF ee ku sugan dalka Soomaaliya, waxaana howgallo laga fuliyay Mombasa balse mid kamid ah kooxihii la beegsaday ayaa baxsaday intaan howlgalka aan ku jirnay”, sidaasi saraakiisha Police Mombso ayaa sheegay.

80 qof ayaa ciidamada la dagaalanka Argagixisada ay ka xireen magaalladda Nairobi shalay oo Axad aheyd. Dadka la xiray ayaa waxaa ku jira 15 qof oo ajaanib ah.

Bishii April, ciidanka ATPU, ayaa gacanta ku dhigay Athman oo ahaa nin ay ciidamada si weyn u badigoobayeen.

Hiiraan Online,
Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu,Somalia