Jaaliyada Minnesota oo baaq nabadeed u soo jeedisay dhinacyada ku dagaalamay gobolka Hiiraan
Isniin, June., 19, 2017 (HOL) -Jaaliyada
Soomaalieed ee gobolka Minneasota ayaa baaq nabadeed u jeedisay
dhinacyada ku dagaalamay Hiiraan iyo Gal-guduud kaddib kulan afur ah oo
iskugu yimaadeed magaaladda Minneapolis.
Kulankan oo ay soo
qaban qaabiyeen xubno ay ka mid yihiin Ilyaas Xayuuke,Cabdiraxmaan Cashuur & Ganacsade Tooxow Siyaad (Tuure) oo ka mid ah qurba
joogta gobolka Hiiraan ayaa waxaa ka soo qeyb galay xildhibaanno ka
tirsan baarlamaanka Soomaaliya oo booqasho ku jooga ku magaalada
Minneapolis, odayaal iyo wax garad kale, kuwaas oo aad uga xumaa
colaadaha ku soo laabtay deegaankaas.
“Waxaan ka
codsaneynaa dhammaan dadka dirirtu ka dhexeyso inay joojiyaan xabadda”
ayuu yiri Nabadoon C/qaadir Oomo oo dhinaca kale ugu baaqay Odayaasha
deegaanka inay si deg deg ah wax uga qabtaan colaadaha soo noq-noqday.
Xildhibaanadii ka
hadlay kulankaas waxaa ka mid ahaa Cumar Waasuge (Cumar Riingo),
C/fitaax Maxamed Cali, Sacadiyo Saalax Samatar, Maxamuud C/raxmaan
Beenebeene iyo Xildhibaan hore Ilkacase, waxayna dhammaantood ku baaqeen in
nabadda laga shaqeeyo.
Ka soo
qeybgaleyaashii kulankaas ayaa dhinaca kale soo dhaweeyay ololaha
dowladda Soomaaliya ee xasilinta siyaasadda iyo amniga, gaar ahaan
nabadeynta Muqdisho.
Sidoo kale waxay
taageereen go’aankii ay dowlada Soomaaliya ka qaadatay khilaafka dalalka
Khaliijka ee ahaa dhex-dhexaadnimada. “Laba walaalo ah oo is haya inaan
mid la safanno ma dhici karto, Madaxweyne Farmaajo iyo Dowladda
Soomaaliya waa ku saxanyihiin go’aanka ay ka qaateen arrintaas” ayuu
yiri Xildhibaan Cumar Riingo.Farah M. Cali (Blue)Hiiraan Online[email protected]Minneapolis,MN