Maxkamada ciidamada oo xukun dil ah ku riday askarigii ka danbeeyay dilkii Wasiir Cabbaas
Isniin, June., 19, 2017 (HOL) – Subaxnimadii hore ee saakay maxkamada
ciidamada qalabka sidda ayaa xukun dil ah ku riday Axmed C/llaahi
Cabdi oo lagu helay in uu dilay wasiirkii howlaha guud iyo guriyeynta Cabaas Siraaji.
Dacwadan oo todobaadkii hore la soo gabagabeeyay kaddib markii ay maxkamadu
dhageysatay kiiska, ayeey ugu danbeyntii maanta go’aan ka gaartay.
Ninka xukunka dilka lagu fuliyay oo ahaa askari ka tirsan ciidamada dowladda
ayaa ka mid ahaa Ilaalada Hanti dhowrkii Guud ee Qaranka Dr. Nuur Faarax,
kaasoo xilkiisa ku waayay shilka lagu dilay wasiirka.
Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka sida G/sare
Xasan Cali Nuur Shuute ayaa ku dhawaaqay xukunka
Akhriso sida uu xukunka maxkamada u dhacay:-
Taariikhdu markay Ahayd 14/06/2017, Maxkamadda Darajada 1’aad Ciidamada
Qalabka Sida waxay mar sedaxaad u fariisatay Dacwad Ciqaabeedkii loo haystay
Eedaysane D/le X Axmad C/laahi Cabdi (Caydiid) 29 jir ah ina Nadiifo Faarax
Cabdi ku dhashay Galgaduud ka tirsan Ciidanka Bada XDS, Kaas oo Xafiiska Xeer
Ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida ku soo eedeeyey dambiga ah dil bareer ah kadib
markii uu 2(labo) xabadood ku riday gaari uu waday Marxuum Cabaas C/laahi Sh.
Siraaji oo ahaa wasiirkii howlaha guud iyo dib u-dhiska Xukuumada Federaalka
hal xabad oo ka mid ahna ay wejiga kaga dhacday marxuumka sidaasna uu ku
geeriyooday. 03/05/2017 abaaro 19:00 habeenimo ,sidoo kale waxaa lagu eedeeyay
in Tr 28/04/2017 abaaro 15:00 galabnimo uu sameeyay isku day dil kadib markii asagoo
saaran gaari qooqan ah uu ku qabtay qorigii uu watay taliyaha saldhiga X/jajab
iyo askartii la socotay oo shaqo ka haayay isgoyska ceel-gaab sidaasna looga
qaaday Eedaysanaha qorigii uu watay.
DOOD DHEER KADDIB.
Maxkamaddu
Markay Aragtay:- Eedii uu soo gudbiyey xeer ilaaliyaha ciidamada qalabka
sida oo ku xusnayd Aayadda 178aad Suuratul AL- Baqara iyo Qod. 434 XCS.
Markay Aragtay:- qoraalka eedaysane D/le X Axmad C/laahi Cabdi (Caydiid) uu
ka hor qoray garsoorka ciidanka hortiisa kuna cadeeyay in uu 2 xabad ku riday
gaariga uu waday wasiir siraaji, sidoo kale wuxuu qoraalka ku sheegay in
28/06/2017 laga qaaday qorigii uu ku qornaa kaddib markii ay murmeen ciidamada
ilaalinaayay Ceel-gaab.
Markay Dhagaysatay: – Markhaatiyaashii la hor keenay Maxkamadda mid midna ay
u waydiisay marag furkooda, waxay ka hor cadeeyeen garsoorka hortiisa in ay
arkayeen eedaysane D/le X Axmad C/laahi Cabdi (Caydiid) oo xabad ridaaya marki
la joojiyay gaariga uu saarnaana uu isku dayay in uu baxsado sidaasna ay si
qasab ah ugu xireen.
Markay Aragtay:- Cadaymaha la horkeenay maxkamada horteeda oo ay ka mid
yihiin Cadaymaha laga qoray markhaatiyaasha, sawirada laga qaaday baabuurta la
isticmaalayay, cabirada laga sameeyay goobta uu dilku ka dhacay, qorigii loo
adeegsaday dilka, warqada cadaynta dhimashada marxuumka, iyo warbixinta ay soo
gudbiyeen waaxda baarista cilmiyaysan.
Markay Dhagaysatay: – Doodii u dhaxaysay dhinacyada xeer-ilaalinta CQS iyo
qareenada difaacayay eedaysanaha.
Sidaas darteed, Maxkamadda waxaa u caddaatay in D/le X Axmad C/laahi Cabdi
(Caydiid), uu yahay dembiile galay dembiyada lagu soo oogay waxayna ku xukuntay
dil toogasho ah, oo ah qisaasta marxuum Cabaas C/laahi Sh. Siraaji.
Sidoo kale maxkamadu waxay Amreysaa in xabsiga laga siidaayo S/A/le Cusmaan
Salaad Barre oo ka tirsan ciidamada asluubta Soomaaliyeed, hadii aan loo haysan
dambi kale.
Maxkamada ayaa ugu danbeyntii, sheegtay in ciddii aan ku qanacsaneyn xukunka
Maxkamadda u furan tahay in in ay qaadato Rafaan.
Wasiir Cabbaas Siraaji
Allaha u naxariistee Wasiir Cabaas Siraaji ayaa la dilay horaantii bishii
May ee sanadkan, markii gaari uu saarnaa uu ku dhawaaday gaari kale oo la
socday Hanti dhowrka Guud, waxaana rasaas ku furay Ilaalada saarnaa gaarigaas
oo marayay nawaaxiga Madaxtooyada.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]