Mareykanka oo rajo ka qaba in dowladda Soomaaliya hormariso isla xisaabtanka ciidamada
Sabti, December, 16, 2017 (HOL) – Xog-hayaha
Gaashaandhigga dowladda Maraykanka Jim Mattis ayaa sheegay in uu rajo ka qabo
in dowlada Soomaaliya hormariso sidii looga gudbi lahaa in la musuqmaasuqo gaargaarka
ay dowlada Maraykanka siiso ciidamada xoogga dalka Soomaaliya.
“Waan hubaa in xal laga gaari karo arrinkan haddii aan dhamaan la wada xalin
qeyb ka mid ah waa la xali karaa.”ayuu yiri Jim Mattis isagoo la hadlayay
weriyaal ku sugan Pentagonka.
Joojinta Saadka la siiyo ciidamada dowlada Soomaaliya ayaa timid kadib
markii ay soo if baxday musuqmaasuq lagu sameeyo gargaarka loogu talogalay
ciidamada.
“Joojinta Saadka waxaa loo sameeyay si loo xaqiijiyo in gargaarka Maraykanka
uu bixiyo ay gaarto ciddii loogu talagalay.”ayuu yiri sarkaal ka tirsan Wasaarada
Arrimaha dibadda Maraykanka.
Hasse ahaatee dowlada Soomaaliya ayaa oggolaatay in ay u hogaansanto heerka
isla xisaabtanka ay dowlada Maraykanka
ay dooneyso.
Xoghayaha Gaashaandhigga Mattis ayaa sheegay in isbedel lagu sameeyo
dhaqanka musuqmaasuqa uu yahay mid waqti dheer qaadanayso, waxaana uu ku
tilmaamay Madaxweynaha Soomaaliya hogaamiye u qalma in la taageero.
“Waxaan leenahay xiriir wanaagsan Madaxweyne Farmajo iyo maamulkiisa,balse
sida aad ka warqabto waxaa uu dhaxlay xaalad adag.”ayuu yiri Xog-hayaha
gaashaandhigga Maraykanka Mattis.
Mas’uuliyiinta Maraykanka ayaa waxa ay sheegeen in dowlada Maraykanka
ay sii wadi doonto gargaarka ay siiso ciidamada gaarka ah ee Soomaaliya
kuwaasoo ay tababar iyo kormeerba ay ku sameeyaan ciidamo Maraykan ah.
C/raxmaan Diini,
Hiiraan Online
[email protected]