4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Dec 14, 2017
Mareykanka oo sheegay in uu joojiyay saadkii uu sii jiray militariga Soomaaliya

 

Khamiis, December,  14, 2017 (HOL) – Mareykanka ayaa shaacisay in uu joojiyay gaargaar isugu jiray cuno iyo shidaal uu siin jiray militariga Soomaaliya arintan oo lala xiriirinayo musuq maasuq iyo wax is daba-marin.

Maraykanka ayaa marka laga soo tago ciidamada qalaba sida ee Soomaaliya sidoo kale waxaa ay taakuleyn siiyaan ciidamada nabad ilaalinta ee Midowga Afrika oo gaaraya 22,000 oo askari.

Warkan oo lagu daabacay wakaalada Wararka Reuters ayaa intaa ku daraya in Mareykanku sheegay wada hadal ay yeesheen dowladda Soomaaliya isla garteen in taliska militariga ku guul dareystay isla xisaabtan dhab ah oo la xiriira gargaarka uu ku bixiyo Mareykanka taakuleynta ciidamada.

“Waa arrin run ah in laga wada hadlay sida taageerada loo isticmaalo iyo qaabka loo qeybiyaba. Dowlada Federalka arrintan waa ay ku howlan tahay sidii xal loogaga gaari lahaa.”sidaa waxaa yiri Wasiirka gaashaandhiga Soomaaliya Maxamed Mursal oo la hadlay Reuters.

Dhinaca kale Warar Xog-ogaal ah oo ay ka heshay Hiiraan Online Bankiga Dhexe ee Soomaaliya ayaa sheegaya in la diyaariyay dhamaanba howlihii la xiriiray mishaar siinta ciidamada oo Askari walba loogu tala-galay in uu mishaarkiisa ku qaato Account u gaar ah laakiin wali dhinaca taliska militariga soo gudbin macluumaadkii looga baahnaa si loo siiyo mishaarkooda, halka ciidamada Booliiska durbaba bilaabeen in ay mishaarkooda ku qaataan Account u gaar ah Askari walba.

Talaabada uu Mareykanku kaga joojiyay saadkii uu siin jiray militariga Soomaaliya ayaa la leeyahay waxaa ay dhabar jab weyn ku noqon kartaa nabad-galyada gudaha dalka Soomaaliya, iyadoo ciidamada AMISOM isku diyaarinayaan in ay ka baxaan Soomaaliya, taasoo la leeyahay waxaa ay awood siin u tahay dagaalamayaasha Al-shabaab oo marka danbe qatar iyo halis dhinaca Amniga ah ku keeni kara dowladdaha dariska ah.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]