4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Dec 13, 2017
Muhtaar Roobow Abuu Mansuur oo soo gaaray magaalada Kismaayo


Arbaco, December,13,2017 (HOL)–Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur oo mudooyinkii ugu danbeeyay safarro kala duwan ku marayay qeybo ka tirsan gobollada Bay iyo Bakool ayaa maanta lagu soo dhaweeyay magaalada Kismaayo.

Waxaa safarka ku wehlinayay wasiirkii hore ee gaashaandhigga Soomaaliya Mudane C/rashiid C/laahi Max'ed.

Wafdiga ayaa waxa soo dhaweeyay madax ka tirsan dowlad goboleedka Jubbaland oo ay kamid yihiin Wasiirka arimaha gudaha Jubbaland Mudane Max'ed Warsame Darwiish iyo saraakiil ka tirsan nabadsugidda Jubbaland.

Masuuliyiintan ayaan wax faahfaahin ah ka bixin ujeedada safarkooda, waxaana loo gelbiyay xarunta madaxtooyada Jubaland.

Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur ayaa hore uga tirsanaan jiray Al-shabaab, haseyeeshee horaantii bishii August ee sanadkan ayuu isu soo dhiibay dowladda, isaga oo isu soo dhiibay madaxda dowlad goboleedka Koonfur Galbeed, waxaa intaa kadib loo gudbiyay Muqdisho.

15 Aug, 2017 ayuu shir jaraa'id oo uu ku qabtay Muqdisho ku shaaciyay in uu ka baxay Al-shabaab.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya.