Wasiir Beyle oo sheegay in Soomaaliya ku dhaw dahay in deymaha laga cafiyo
Talaado, December,
12, 2017 (HOL) – Wasiirka Maaliyada Xukuumada Federaalka Soomaaliya C/raxmaan
Ducaale Beyle ayaa faahfaahin ka bixiyay shir Magaalada Nairobi ku dhexmaray
Hey’adda Lacag Aduunka, Bankiga Aduunka iyo Wasaarada Maaliyadda Somalia.
Beyle ayaa sheegay in shirkaas
ay ka soo baxday Natiijo Guul u ah Somalia, taasoo la xiriirta tijaabo Hey’ada
Lacagta Adduunku ku sameeyay Hanaanka Daah-furnaanta Maamul Wanaaga Dowladeed
iyo Midka Maaliyadeed ee dalka iyo Maamulida dakhliga iyo qarashka dowlada.
Geedi socodka Hanaanka oo ay
Hey’adda Lacagta aduunka ku qiimeyneysay Daah-furnaan Dowlad Wanaaga iyo
Maaliyada ayaa soo bilowday Bishii 5-aad ee sanadkan waxaana qorshahaas uu ku
egyahay Bisha 5-aad ee Sanadka soo aadan.
Wasiir Beyle ayaa warbaahinta
u sheegay in Somalia ay guul ka keentay tijaabadaasoo qeyb ka ah Qorshaha
deymaha looga cafinayo Somalia kaasoo uu xusay in haddii uu hirgalo dalku uu ka
heli doono faaiidooyin badan marka laga cafiyo deymaha.
Somalia ayaa waxaa lagu
leeyahay deymo gaaraya shan bilyan oo dollar, kuwaasoo in la cafiyo shuruud
looga dhigay hagaajinta hanaanka Maamulka Maaliyada, waxaana deymahaas ay
sababeen in Somalia ay weyso mashaariic horumarineed oo laga sameyn lahaa iyo
maalgelin badan oo ay heli laheyd.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]