4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Dec 12, 2017
Hirshabeelle iyo Puntland oo galabta ku balansan kulan qeyb ka ah Tartanka maamul gobolleedyada

 

Talaado, December, 12, 2017 (HOL) – Kulanka oo ah mid aad u adag oo siweyn loo wada sugayayo ayaa waxaa ku balansan Xiddiga kubadda Cagta Hirshabeelle iyo Puntland kulan ka tirsan Tartanka maamul Gobolledyada.

Xiddigaha Hirshabeelle kulanka maanta waa Lugtoodii labaad kaddib markii is aragoodii hore kulan adag oo ay la yeeheen Koonfur Galbeed looga badiyay Hirshabeelle 1-0.

Kulanka Galabta Rajada Hirshabeelle waa in ay badiyaan oo kaliya, halka Puntland oo kulankoodii ugu horeeyay uu kan galabta noqonayo laftirkooda xoogga saari doonaan in adkaadaan Hirshabeelle taa oo ka dhigeysa cayaarta mid xiiso badan.

Xiddigaha gobolka Banaadir ayaa xaqiiqsaday maalintii shalay in ay u gudbeen Afar dhamaadka Tartanka kaddib markii labada kulan oo ay cayaareen ay soo badiyeen waxaana ay ku soo baxeen 6 dhibcood.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]