Hargeysa : Cilad ku timid isticmaalka adeega ZAAD-ka oo sababtay in dadka qaar lacagahoodii ka waayaan Mobil-ka
Khamiis, August, 17, 2017 (HOL)-
Xalay ilaa saaka waxa safaf loogu jiray xarumaha adeegga ZAAD-ka bixiya ee
lacagaha mobile lagu shubto oo dadka qaar ka cabanayaan lacagtii mobil-ka ugu
jirtay oo ay ka waayeen qaybo ugu jirtay lacagtoodii.
Dad kala duwan oo aan la kulmay
ayaa noo sheegay in lacagtii ay Mobilke ugu jirtay ee adeegga ZAAD-ka ka waayeen, hasse ahaatee markii ay shirkadda bixisa adeega ee Telesom u tageena ee
ay waydiiyeen lacagtooddii ugu jawaabeen mas'uuliyiinta in ay cilad farsamo
jirto oo lagu guddo jiro in ay farsamadeedii.
“Anigu waxaan waayey 32 dollar, markii aan shirkadda u tagayna waxay igu
yiraahdeen systamkii hore ee laga guuray ayeey ku hartay ee waa la hagaajinayaa”ayuu
yiri Fu’aad oo ka mid ahaa dadkii ka cabanayey in ay mobilkooda ka waayeen
lacagtii ugu jirtay.
Guuleed Cumar oo ka mid ah isna
dadka ka cabanaya lacagta uu ka waayey Mobileka ayaa yidhi “kun iyo afar boqol
oo aan qof u dirayey ayaa qofkii kale gaadhin anigiina iga baxday, marka ilaa
hadda ma garanayo wax aan sameeyo”
Boqolaal dadweyne ah oo reer Somaliland
ah ayeey arrintani saamaysay, taasina waxay keentay in dadka qaar walaac ka
muujiyaan lacagta Mobileka ugu jirta oo qaarkood lacagtii ugu jirtay kala
baxaan.
Adeega ZAAD-ka ee lacagta lagu
kala dirsado ama lagu kaydsado ayaa dadweynuhu badankoodda aad u isticmaalaan,
hasse ahaatee xalay iyo saaka ayaa dadweynaha jahawareer ka qaaday lacagtan ay
moobiladda ugu jirtay ee ay waayeen.
Illaa hadda kama hadal shirkadda
haseyeeshee wakhtiyadda soo socda ayaa laga yaabaa inay ka hadli doonaan
ciladan ku timid adeega ZAAD-ka ah.
Barkhad-ladiif M. Cumar,
Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland.