Mid ka mid ah maxaabiista Soomaaliyeed oo ku xirnaa India oo xabsiga ku geeriyooday
Khamiis, Augusto, 17,
2017 (HOL) – Mid ka mid ah maxaabiista Soomaaliyeed ku xiran dalka India ayaa
lagu waramayaa in uu ku dhintay xabsigii uu ku jiray kaddib xanuunka sokorta oo
muddo dheer hayay.
Wiilka dhalinyarada ah ee geeriyooday ayaa magaciisa lagu
sheegay Atoor Bashiir Barre oo la sheegay in muddo dheer uu la xanuusanayay
cudurka Sokorta.
Xassan Kaafi oo ka mid ah maxaabiista Soomaaliyeed oo ay
wada xirnaayeen maxabuuska ayaa warbaahinta u xaqiijiyay geerida Atoor oo sida
uu sheegay mudadii uu xirnaa la xanuusanayay cudurro kala duwan oo ay Sokorta ugu horeyso, isaga oo waayay ayuu yiri daryeel caafimaad.
Horay ayaa la xaqiijiyay in ay dhinteen labo ka mid ah
Maxaabiista dowladda Hindiya ay u heysato falalka burcadbadeednimo.
Horay ayaa la xaqiijiyay in ay dhinteen labo ka mid ah maxaabiista
dowladda India ay u heysato falalka burcad-badeednimo.
Dalka India ayaa waxaa ku xiran dhalinyaro Soomaaliyeed
oo gaareysa 118, waxaana dowladda Soomaaliya ay ku howlan tahay sidii
dhalinyaradaasi Muqdisho loo keeni lahaa.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]