Mudaaharaadyo ka dhacay magaalada Laascaanood
Talaado, Augusto, 15, 2017 (HOL) – Mudaharaad
lagaga cabanayo diidamada lacagta
shilinka Soomaaliga ayaa ka dhacay magaalada Laascaanood xarunta gobolka Sool.
Mudaharaadkan oo meelaha qaarkood
rabshado isku rogey ayaan la sheegin wax khasaare ah ka dhashay, ka dib markii
dhalinyaro ay weerar dhagxaan ah ku qaadeen meheradaha furan.
Inta badan ganacsiga magaalada ayaa
xiran gaar ahaan kuwa ku yaala faras magaalaha, iyadoo mararka qaarkood la
maqlayey rasaas ka dhacaysa suuqa dhexdiisa, taas oo ay ridayeen ciidanka
oo isku deyey inay kala dereeriyaan, iyo ganacsatada qaarkood oo iskaga
celinayey.
Qaar ka mid ah dadka mudaharaadka
wadey ayaa sheegay in ay waayeen waxay wax ku iibsadaan markii lagu diidey
lacagtii ay haysteen.
Maamulku illaa hada kama hadlin
walow ay jirtey gaadiid codbaahiyaal saaran yihiin oo lagu sheegayey in cidii
lacagta diida ay ciqaab la kulmi doonto.
Diidada lacagta ayaa soo bilaabatay
bishii hore markii ay soo gashay magaalada lacag duug ah oo laga keenay
koonfurta Soomaaliya, waxaana kaloo ay sababtay in qiimaha sarifka doolarka uu
kor u kacay, khalkhala geliyey qaabka wax iibka.
Seynab Cabdi Warsame
[email protected]
Laascaanood G. Sool