Rabshado ay dad ku dhinteen oo ka dhacay dalka Mareykanka
Axad, Augusto 13, 2017 (HOL) - Hal
qof ayaa la xaqiijiyey inuu ku dhintay ku dhawaad 20 kalana waa ay ku
dhaawacmeen kadib marki baabuur la jiirsiiyey kooxo iska soo horjeeday oo ku
banaanbaxayey magaalada Charlottesville ee gobolka Virginia.
Banaanbaxa ayaa waxaa soo qaban qaabiyay kooxaha cadaanka xag-jirka ah ee ay ku
weyntahay caddaannimada, halka kooxda kalana ay ahayd dadka kasoo horjeeda
fikirkaasi.
Muuqaal lagu
baahiyey baraha bulshada ayaa muujinaya baabuur si xoli ah ku socday oo jiiraya
dad farabadan oo ku socday waddo ay dhinacyada kaga tixanyihiin guryo.
Goobjoogayaal
ayaa VOA-da u sheegay in qofka watay baabuurka uu dadka sameynayey banaanbaxa
dardarsiiyey wax ka badan ka badan laba jeer.
Booliska Virginia ayaa sheegay inay xireen darawalki waday baabuurka isla
markaana ay ula dhaqmayaan arrintani baaritaan danbi dil ah.
Duqa magaalada Charlottesville Mike Singer ayaa hadal uu ku qoray bartiisa
Twitter-ka ku sheegay inuu aad uga naxay dhimashada ka dhacday magaalada.
Wuxuuna dadka ugu baaqay in ay guryahooda aadan.
Goor sii
horeysayna rabshado ayaa ka qarxay magaalada Charlottesville kadib marki ay
isku dhaceen kooxo dibaxayey oo iska soo horjeeda.
Banaanbaxan oo
marki danbe la joojiyey ayaa waxaa soo qabanqaabiyey koox u dhaq-dhaqaaqda qaar
ka mid ah bulshada cadaanka Mareykanka ee aaminsan in ay ka sarreeyaan
qowmiyadaha kale ee daga Mareykanka.
Dadkan ayaa ka
careysnaa tallaabo uu maamulka magaalada ku dajinayo taalada General Robert E.
Lee oo ahaa jeneraalki hogaaminayey garab ka mid ah dhinacyadi ku dagaalamay
dagaalki sokeeye ee Mareykanka ka dhacay inti u dhaxeysay 1861-65.
Madaxweynaha
Mareykanka Donald Trump, oo ka hadlay rabshadaha ka dhacay gobolka Virginia
ayaa cambaareeyey, isaga oo ku tilmaamay wixi ka dhacay bandhig naceyb aad u
liita, casabiyad iyo qalalaaso dhinacyo badan leh.
Gudoomiyaha
gobolka Virginia Terry McAuliffe ayaa gabaldhicii shalay xiliga Mareykanka ku
dhawaaqay in magaalada Charlottesville lagu soo rogay bandow.
Dhinaca kalana,
diyaarad helicobter ah oo ay leeyihiin ciidanka booliska Virginia ayaa ku soo
dhacday duleedka magaalada ay rabshaduhu ka dhaceen.
Shilkaasi ayaa waxaa ku dhintay laba ruux oo uu ku jiray
duuliyihii diyaarada. Boolisku maysan faah-faahin waxa sababay shilka
diyaaradda.
VOA