4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Aug 12, 2017
Wasaaradda Ganacsiga Jubaland oo digniin u dirtay ganacsatada soo dejisa raashiinka Dhacay

Sabti, Augusto 12, 2017 (HOL) –Ayado mudoyinkii u danbeeyay ay magaalada Kismaayo iyo guud ahaan gobollada Jubooyinka kusoo badanayeen raashiinka waqtigiisu dhacay ee lagu iibiyo suuqyada ayay wasaaradda ganacsiga Jubaland soo saaray amar ay ku mamnuuceeyso in laga ganacsado raashiin waqtigiisii dhacay.

Fariis Jaamac Saleebaan, wasiirka wasaaradda ganacsiga oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in mudooyinkii u danbeeyay ay soo badanayeen ganacsatada Dekedda Kismaayo kala soo dagta raashiin dhacay, waxa uu xusay in cidii lagu helo laga qaadi doono tallaabo sharci ah.

"Uma dulqaadan doonno in raashiin dhacay bulshada laga iibiyo, waxaan ku wargelinayaa maamulka Dekedda, waaxaha qaabilsan ilaalinta tayada raashiinka iyo laamaha amnigaba in ay arimahaasi il gaar ah ku eegaan," ayuu wasiirku hadalkiisii raaciyay.

Qaar kamid ah bulshada oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in Dukaamada magaalada lagu iibiyo cabitaanno iyo raashiin dhacay, airntaa oo ay sheegeen in ay tahay mid dhibaato u keeni karta shacabka.

Magaalada Kismayo waxaa ku taal Deked ganacsi oo ay kasoo dagaan raashiin iyo shixnado kala duwan, kuwaa oo loo iibgeeyo gobollada Jubooyinka iyo qeybo ka tirsan gobollada kale ee Soomaaliya, waxaa sidoo kale qaar kamid ah walxaha kasoo daga Dekedda Kismaayo ganacsi ahaan loo geeyaa xerooyinka qaxootiyada Dhadhaab ee dalka Kenya.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya.