4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 27, 2017
Shirkada xawaalada Amaana Express oo u gudbeysa nidaamka Bankiga

 

Khamiis, April, 27, 2017 (HOL) - Guddoomiyaha shirkada Xawaalada ee Amaana Express Cabdirisaaq Xuseen Maalin ( Tawane) ayaa shaaca ka qaaday in shirkada Xawaalada Amaana ay u gudbeeyso nidaamka Bankiga.

Gudoomiyaha ayaa warkan ka sheegay shir balaaran oo wakiilada Shirkadu ay ku leedahay shanta qaardood ee dunida ay iskugu yimaadeen magaalada Dubai ee dalka imaaraadka carabta 13kii ilaa 16kii bisha April ee sanadka 2017 .

Guddoomiyihu waaxaa uu ku booriyay wakiilada Amaana in ay sii labalaabaan dadaalkooda iyo howsha xawaaladeed ee ay hayaan isla maarkaasna ay u diyaargaroobaan nidaamka cusub ee shirakadu ugu gudbeeyso habka Bankiga kaas oo macaamiishu ay dhigan karaan kuna keeydsan karaan lacagahooda.

Waxaa laga warbixiyay taraiikhda Shirkada oo la aasaasay sanadkii 2001di taas oo lagu sheegay in shirkadu ay hana qaaday, muddo badana ay usoo khidmeeyneeysay shacabka soomaliyeed. Shirkadda Xawaaladda ee Amaana Express waxaa kale oo ay ka shaqeeysaa Dhulka iyo dhismaha Gurayaha (Real State), sidaasi darteed ayaa shirkaas lagu go’aansaday in shirkadu ay si dhaqso leh ugu gudubto nidaamka Bankiga.

 

Waxaa kale oo halkaas Hadal ka jeediyay gudoomiye ku xiggeenka shirkada Amaana Express Cabdirisaaq Xanafi iyo xiriiriyaha guud ee shirkada Amaana Cilmi Xuuriye kuwaas oo dhamantood ku bogaadiyay wakiilada iyo howlwadeenka shirkada sida wanaagsan ee hufneeyd ee ay howsha xawaalada u soo qabteen. Waxaana ay ugu baaqen in ay sii laba laabaan dadaalkooda.

Enigineerka guud ee shirkada ee dhinaca IT Engineer Cabdalla ayaa warbixin ka jeediyay shirka Amaana oo uga hadalayey habka IT ee shirkadu ku shaqeeyso.

Dhamaan masuuliyiinta iyo wakiiladii shirkaas lagu marti qaaday ayaa iyaguna ka mahad celiyay sidii loogusoo dhaweeyay shirkaas oo ay sheegeen in ay wax badan ka faaideeysteen ayna isku barteen howlwadeenada shirkada intii aan horey isku aqoon waxaana ay bogaadiyeen hannaanka uu shirku u dhacay.