Roobab ka curtay degaano kala duwan ee gobolka Sool iyo Buuhoodle
Khamiis, April, 27,
2017 (HOL) – Roobab lagu diirsaday ayaa ka da'ay
degaano ka mid ah Gobolka Sool iyo Cayn, kuwaas oo ku soo beegmay xili abaartii
ugu xumayd ee degaanadaasi soo marta ay galaafatay dad iyo Duunyaba.
Roobabkan ayaa ka da'ay koonfurta
degmada Laascaanood iyadoo ay heleen Dhumay, Xidhxidh iyo degaano kale oo
xaalad darani ay ka taagnayd.
"Magaalada Kalabaydh waxaa
helay shuux dadka qaboojiyey waxaase roobku ku sii xoogaystey degaanada ku sii
toosan ee galbeed kaga quman, lamana odhan karo roob ayaa da'ay laakiin waxaa
Farxad ah in biyo cirka ka yimaadaa dhulka Soo gaadheen" sidaana waxaa HOL
u sheegay Maxamuud Jaamac oo degaankaasi ku sugan.
Sidoo kale waxaa hogol fiicani
heshay tuulada Bali-hadhac oo ka tirsan Widhwidh taas oo sida uu noo sheegay
Sekeriye Maxamed Ciise oo ah suxufi ku sugan Widhwidh.
"Hada waxaan Joogaa bali la
yidhaa Balli-Gorfe oo u dhow Sool-Joogto oo ka tirsan Buuhoodle waqooyina kaga
quman, baligu waa buuxaa ilaa shan booyadood ayaa ka dhaansanaya geelal
badanina waa ka cabayaan" ayuu yidhi Khadar Cawl oo ah suxuf tegey halka
roobku ka da'ay isagoo Hiiraan Online u waramayey.
Khadar waxa uu sheegay in shalay
magaalada Buuhoodle shalay laga cabayey biyo adag oo foostadii la siinayey laga
gaadhaysa 120 kun halka maanta la siinay konton kun oo keliya.
Degaano dhawra ayaa roobku ka curtay
oo duleedada Buuhoodle ah oo ka mid yihiin Dhilaalo iyo degaano waqooyi galbeed
kaga quman, waxaana dhamaan dulkaasi ahaayeen dhulka uu ka taagnaa haraadka ugu
badan iyadoo ay oomane yihiin.
Degmooyinka sida aadka ah u liita ee
xaalufka iyo byo la'aanta darani ka jirtey oo ay ka mid yihiin Xuddun, Taleex
iyo waqooyiga iyo barriga Laascaanood waa ooman yihiin laakiin kamay quusan
naxariista eebe ee cirka ayay ka wacaal dhawrayaan oo aad moodo in uu cokan
yahay daruuro biyaysana ay ka muuqdaan.
Seynab Cabdi Warsame
[email protected]
Laascaanood G, Sool