4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 27, 2017
Laba wiil oo walaala ah oo lagu weeraray degmadda Wadajir

 
Khamiis, April, 27, 2017 (HOL) -Koox hubeysan ayaa maanta Xaafadda Xaawa-Taako ee degmadda Wadajir ee Gobalka Banaadir dil iyo dhaawac ugu geystay laba wiil oo la sheegay in ay wada dhasheen.

Labada wiil ee la weeraray ayaa lagu kala magacaabaa Saney Maxamed Wehliye iyo Mustaf Maxamed Wehliye, sida laamaha ammaanka ee degmadda Wadajir ay sheegeen.

Mid ka mid ah labada wiil ayaa geeryooday halka midka kalana dhaawac uu gaaray, sida goob-joogayaal ay sheegeen.

Ciidamadda dowladda soomaaliya ayaa hadda howlgallo ka wada xaafadda Xaawa-Taako ee degmadda wadajir.

Ilaa iyo hadda lama shaacin sababta loo weeraray labada wiil iyo cida ka dambeysay weerarka.

Falkan weerarka ah ayaa ku soo aadaya xili gelinkii dambe ee shalay shan ruux oo rayid ah ay ku dhinteen iska horimaad ku dhaxmaray ciidamo ka wada tirsan dowladda Federaalka suuqa Khaadka ee degmadda Hodan.

Goob joogayaal ayaa warbaahinta u sheegay in dadka dhintay intooda badan ahaayeen Haween goobta iska horimaadka ka dhacay ku iibinayay Khaad.

Hiiraan Online,
[email protected]
Mogadishu,Somalia