4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Apr 26, 2017
Madaxweyne Farmaajo oo la kulmay dhigiisa dalka Turkiga Recep Tayyib Erdogan


Arbaco, April, 26, 2017 (HOL) – Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo booqasho rasmi ah ku jooga dalka Turkiga ayaa gallinkii danbe ee maanta kula kulmay Qasriga madaxtooyada dalkaas ee magaalada Ankara, dhigiisa Recep Tayyib Erdogan

Madaxweyne Erdogan ayaa si diiran ugu soo dhaweeyay aqalka madaxtooyada dalkaas dhiggiisa Soomaaliya, waxaana si wada jir ah ay salaan uga qaateen ciidamada, iyadoona loo garaacay astaanta Qaranka.

Kulanka labada Madaxweyne oo ahaa mid khaas ahaa ayay uga wada hadleen xoojinta xiriirka labada dal, kobcinta dhaqaalaha iyo dib u dhiska Soomaaliya.

Labada Madaxweyne ayaa lagu wadaa inay ka qeyb galaan wada hadalo labo geesood ah, kaasoo Soomaaliya iyo Turkiga ay heshiisyo wax wada qabsi ah ku saxiixan doonaan Ankara.

Socdaalka madaxweyne Farmaajo ee Turkiga ayaa noqonaya kii u horeyay ee uu ku tago dalkaas, tan iyo markii xilka madaxtinimada uu ku guuleystay horaantii bishii February ee sanadkan.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]