Mas’uul Faransiis ah oo lagu ganaaxay hadal uu muslimiinta ka sheegay
Arbaco, April, 26, 2017 (HOL) - Nin duq magaalo ka ah Faransiiska ayaa lagu ganaaxay
2,000 oo Yuuroo, in uu sheegay hadal nacayb ku salaysan awgeed, ka dib markii
uu sheegay in carruurta Muslimiintu ay ku badan yihiin iskuulada deegaankiisa.
Robert Menard oo ah duqa magaalada Beziers oo ku taalla koonfurta dalka
Faransiiska ayaa xulafo la ah xisbiga soogalooti diidka ee National Front.
Horaantii bishii Sebtembar ee 2016kii oo ahayd maalintii koobaad ee lagu
noqonayay iskuulada Faransiiska ayuu Twitterkiisa ku soo qoray in uu markhaati
ka yahay "dhalan rog baaxad leh".
Hadalkaas kala qaybinta ah ayaa loo adeegsaday in lagu sharaxo eedaymaha ah
in bulshadii Faransiiska ee Kiristaanka cad ahayd ay baddalayaan dad soogalooti
ah.
Menard oo 5 Sebtembar waraysi siiyay telefishinka LCI ayaa sheegay "in
fasal ka mid ah iskuul ku yaala bartamaha magaaladiisa ay 91% carruurta dhigata
yihiin Muslimiin, Arrintaasina waa dhibaato. Dulqaadku xad ayuu leeyahay.
Shuruucda Faransiisku waxay mamnuucdaa in tirokoob lagu sameeyo diinta ay
dadku aaminsan yihiin iyo qawmiyadaha ay kala yihiin.
Menard ayaase hadalkiisa difaacay oo yiri: "anigu xaaladda magaaladayda
unbaan sharaxaad ka bixiyay, qiimayna kuma samynin qiyamka, waana xaqiiqo.
Waana wax aan arko."
Ganaaxa ka sokow maxkamadda magaaalada Paris waxay 1,000 Yuuroo u xukuntay
kooxaha cunsuriyadda la dagaalama oo kiiskan maxkamadda keena si ay
kharashaadkii ka baxay ugu adeegsadaan.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]