4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Apr 26, 2017
Iska horimaad khasaare dhimasho geystay oo ka dhacay magaalada Muqdisho

 

Arbaco, April, 26, 2017 (HOL) - Inta la xaqiijinayo ilaa shan ruux oo rayid ah ayaa ku dhintey iska horimaad galinkii danbe ee maanta ku dhaxmaray ciidamo ka wada dowladda federaalka suuqa Khaadka ee degmada Hodan.

Goob joogayaal ayaa warbaahinta u sheegay in dadka dhintay intooda badan ahaayeen haween goobta isku horimaadka ka dhacay ku iibinayay Khaad, kuwaa oo ay haleeshay rasaastii ay isweydaarasanayeen ciidamada dagaallamay.

Ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa la sheegay in ay markiiba gaareen goobta uu iska horimaadku ka dhacay, iyaga oo baadigoob ugu jira askartii dagaalku dhaxmaray oo la sheegay in ay baxsadeen.

Ilaa iyo hadda Lama oga sababaha ka dambeeya iska horimaadkan, balse beerta Khaadka ee degmada Hodan ayaa ka mid ah meelaha ay ku badan yihiin askarta hubeysan ee dowlada Soomaaliya.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]