4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 26, 2017
Diyaaradaha Kenya oo Duqeeyay Gobolka Gedo

 
Arbaco, April, 26, 2017 (HOL) -Wararka laga helayo Deegaanka War-gaduud ee Gobolka Gedo ayaa sheegaya in Diyaaradaha Dagaalka dowladda Kenya ay halkaasi duqeeyeen maanta.

Diyaaradaha ayaa la sheegay in duqeynta ay ku garaaceen dhowr meelood oo deegaanka ka tirsan, sida goob-joogayaal ay sheegeen.

Degaanka War-gaduud ee Gobolka Gedo, ayaa waxaa gacanta ku haya xarakadda Al Shabaab ee dagaalka kula jirta dowladda Soomaaliya iyo ciidanka AMISOM.

Masuuliyiinta maamulka Jubaland wali kama aysan hadlin khasaaraha ka dhashay duqeynta ka dhacday Gobolka Gedo ee koonfurta Soomaaliya.

Dhinaca kale shalay Diyaarado dagaal ayaa duqeyn ka fuliyay Saldhigyo ay lahaayeen dagaalamayaasha Al-shabaab oo ku yaalla degaanka War-gaduud oo ah, halka maanta duqeynta ay ka dhacday.

Lama shaacin khasaaraha ka dhashay duqeyntaas, maamulka Gobolka Gedo iyagana dhankooda wali kama aysan hadlin weerarka iyo cida fulisay.

Deegaanka War-gaduud ayaa masaafa ahaan waxaa uu ka fogyahay Deegaanka Ceel-cadde oo Sanadkii 2016 ay Al-shabaab ku dileen 100 Askari oo Kenyaan ah, kuwaas oo qeyb ka ah howlgalka Midowga Africa ee AMISOM.

Hiiraan Online,
[email protected]
Mogadishu,Somalia