4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 26, 2017
Guddiga doorashooyinka maamulka Galmudug oo u yeeray Musharraxiinta Madaxweyne


Arbaco, April, 26, 2017 (HOL) -Guddiga doorashada maamul-gobolleedka Galmudug ayaa uga yeeray degmadda Cadaado iney ku yimaadaan 24 saac dhammaan musharraxiintii iska diiwaangelisay xilka madaxweyne ee Galmudug.

Musharraxiinta loo yeeray ayaa lagu wadaa in la siiyo shahaadooyinkooda si howllaha doorashada loo sii waddo, sida uu sheegay Mahad Sheekh Cali Cibaar oo ka tirsan Guddiga doorashada.

Guddiga doorashada maamul-gobolleedka Galmudug ayaa sheegay in mudada doorashada aaney dib uga dhici doonin waqtigii lagu ballamay.

8-ddii bishan April, Wasiirka Arrimaha Gudaha dowladda Soomaaliya Cabdi Faarax Saciid Juxa, iyo Maamulka Galmudug ayaa isku afgartay in doorashada madaxweynaha maamulkaasi la qabto 30 bishan April oo hadda maalmo qura ay nooga dhimantahay.

Xildhibaan Maxamed Xasan Geelle oo ah Guddoomiyaha Gudigga doorashooyinka maamulka Galmudug, ayaa sheegay in doorashada ay noqon doonto mid loo riyaaqo.

26, bishii February, Madaxweynaha Maamul-Gobolleedka Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed ayaa sheegay inuu iska casilay xilkii Madaxweynenimadda Galmudug, Sababo la xariira xaga caafimaadkiisa sida uu sheegay.

Hiiraan Online,
[email protected]
Mogadishu,Somalia