4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 24, 2017
Daawo: Barcelona oo ka adkaatay Real Madrid 3-2

 

Isniin, April, 24, 2017 (HOL) -Kooxda Barcelona ayaa xalay daqiiqadihii dhimashada gool uu u dhaliyay laacibkooda Messi, uga adkaatay kooxda ay xifaaltamaan ee Real Madrid.

Inkastoo ciyaarta ay aheyd mid xiisa badan, haddan waxaa bar-bar socday xifaaltan maadaama ay labada kooxood ay ciyaaraan horyaalka dalka Spain, waxaana kulankooda loogu yeeraan El Clasico.

Kooxda Barcelona ayaa saddexda gool waxaa ay ka kala heshay Lionel Messi, Ivan Rakitic, Lionel Messi, halka Real Madrid ay goolasha u dhaliyeen Casemiro iyo James Rodriguez. 

Lionel Messi ayaa dhaliyay goolka guusha waqtigii dhimashada ee ciyaarta, waxaana uu ahaa goolkii labaad ee ciyaarta isagoo sidoo kale noqday xiddigii ugu horeeyay ee gaara 500 gool ee kooxda Barcelona. 

Messi iyo Ronaldo, ayaa majaraha u hayay labada kooxood, waxaana Messi uu xalay dhaliyay laba gool oo ka mid ah goolashii ay ku adkaatay kooxda Barcelona.

Ciyaarta makii ay ku taagneeyd 90-ka oo ciyaartana ay tahay 2-2, ayaa waxaa gool lama ilaabaan ah dhaliyay Lionel Messi, sidaasina waxaa natiijada ciyaarta ay ku raacday Barca.

Daqiiqadii 77 Sergio Ramos ayaa ciyaarta laga saaray, kadib markii khaladaadkiisa ay bateen, waxaana halkaasi fursad weyn ka helay Messi iyo Suarez maadaama uu ciyaarta ka maqnaa Neymar oo ganaax ku maqnaa.

Kooxda Barcelona ayaa ku ciil baxday dhigeeda Real, maadaama Barcelona todobaadkii hore laga soo reebay koobka Champions league, kadib markii ay kasoo baxsan weyday kooxda Juventus.


Hiiraan Online,
[email protected]
Mogadishu,Somalia