4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 21, 2017
Guddoomiyaha Baarlamaanka oo la kulmay Naafada Qaranka

 

Jimco, April, 21, 2017 (HOL) -Guddoomiyaha Golaha shacabka Soomaaliyeed Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Aaden (Jawaari), ayaa la kulmay Ururka Naafada Qaranka Soomaaliyeed.

Kulanka Pr Jawaari iyo Ururka Naafada  ayaa ka dhacay magaalladda Muqdishu.

Guddoomiyaha golaha shacabka mudane Maxamed Sheekh Cusmaan, ayaa dhegeystay soo jeedinta Xubnaha Ururka, waxaana uu sheegay in laga shaqeyn doono dib-u-soo nooleynta wakaaladdii qaabilsaneyd daryeelka Dadka qaba baahiyaha gaarka ah.

Jawaari, ayaa sidoo kale sheegay in laga warqabi doono xaaladda Ururka Naafada Qaranka Soomaaliyeed.

Dhinaca kale, Guddoomiyaha golaha naafada Soomaaliyeed Sayid Cali C/laahi Salaad, ayaa intii kulanka uu socday sheegay inay Dowladda dhexe ka rabaan in dastuurka lagu daro qodobo caddeynaya daryeelka ay leeyihiin Dadka naafada ah.

Sidoo kale Golaha Naafada, ayaa ka codsaday Guddoomiyaha Baarlamaanka in laga qeyb-geliyo siyaasada dalka Soomaaliya.

Ururka Naafada Qaranka Soomaaliyeed, ayaa fadhigooda dhexe uu yahay magaalladda Muqdishu.

Si kastaba, in aan la ogaanin xaaladda rasmiga ah ee ay ku sugan yihiin dadka naafada ah iyo dadka tabarta yar, waa mid kamid ah dhibaatooyinkii laga dhaxlay bur-burkii iyo Dowlad la’aantii dalka soo martay wax ka badan 25 sano.

Marka aad dhex tagto dadka baahiyaha gaarka qaba waxaad dareemeysaa ineysan cidna u maqneyn ceelna u qodneyn balse waxay gar-gaar dhinac kasta ka sugaayaan walaalahooda wax ku dhaama.

Hiiraan Online,
[email protected]
Mogadishu,Somalia