Shirkadda HEMA BOOKS oo sheegtay kaalinta ay ku lahayd midaynta Manhajka waxbarashadda Somaliland
Isniin, September 25, 2017 (HOL) – Maareeyaha guud ee Shirkadda
Daabacaadda Buuggaagta ee HEMA BOOSKs Cabdiraxmaan Nuur Cigaal, ayaa sheegay
inay Somaliland yeelatay Manhaj mideysan oo meesha ka saaray kuwii Dadku sida
gaarka ah u soo Daabacan jireen, isla markaana uu Manhajkan cusubi horseeday in
Ardayda wax ku baranaysay Dugsiyada gobollada Fog fog Imtixaankii Shahaadiga
ahaa ee sannadkan 2017-ka Kaalmaha hore ku guuleystaan, markii Buugaagta
Manhajku gaadhay ka dib.
“Waxbarashadu kol-ba geed ayeey soo
fadhiisanaysay oo tayada waxbarashaduna kolba heer ayay soo maraysay,waxaan soo
marnay wakhti aanay waxbarashadeennu lahayn Macallin tayo leh, oo Buugaag aanay
jirin ardeygu meel uu fadhiistaana aanay jirin, tacab baddan iyo isku xidhnaan
shacabka dhexmartay, aqoonyahanka iyo
dawlada maanta ardey-kasta waxa uu fadhiyaa Fasal, waxa uu leeyahay Kursi iyo
miis waxa uu leeyahay Macallin, si loo helo waxbarasho tayo leh waxaannu dalka
Somaliland u sameynay oo aanu u daabacnay manhaj mideysan, kaas oo maanta keenay inay Ardeydii ka socotay
gobollada fog fog ee dugsiyada dawliga iyo kuwa gaarka loo leeyahay ay ku
Guuleystaan kaal-maha ugu sarreya.”ayuu yidhi Cigaal.
Waxaanu intaas ku daray“Waxaanay
meesha ka saartay dadkii sameysan jiray manhajyo u gaara..waxaanan kaashanaynay
Wasaarada waxbarashada iyo tacliinta sare ee Somaliland oo waxaanu soo saaray
manhajkii ugu horeeyey ee aynu gacanteena ku sameysano oo tayo leh. Iyada oo ay
wakhtiyadii hore ay gacanta inoogu hayn jireen hay’ado oo sanadka ay manhajka
lacag u helaana way soo daabici jireen marka ay waayaana way iska dayn jireen,
Saddexdii sanadood ee u danbeeyey hay’adahaasi umay helin kharashkii ay
ardeydeena kaga bixin jireen Buuggaagta…iyada oo ay is-kaashanayaan Shirkadda
HEMA iyo Wasaarada waxbarashadu ayaa waxa fadhiistay 106-aqoonyahan oo qorey
buuggaagtii Dugsiyada hoose, dhexe waxaanu soo saarnay 95-Buug oo isugu jira
Dugsiyada Hoose, Dhexe iyo Sarre oo tayadoodu aad u sareyso waxaanan ka
daabacnay tiradii buuggaag ugu badnayd ee Manhaja ee la daabaco taariikhda
Somaliland oo ah 1,500,000 (Milyan iyo shan boqol oo kun oo Buug). ”.
“Wejigii labaadna waxaanu sameynay inaan
Buuggaagta u turjuno luuqada Ingiriisiga oo dugsiyada qaar ku qaataan. Maanta
waxa dhammaan xarumaha HEMO ku diyaara Manhajkii oo Af-Soomaali ku qoran iyo
manhajkii oo ku qoran Ingiriisi. Waxaanan aaminsanay manhajka tayada leh ee
Somaliland yeeshay inay wax baddan ka tarayso qaranimadeeni iyo Sumcadii ay
Somaliland ku dhex lahayd geeska Afrika iyo caalamka-ba.”ayuu yidhi
Mar la weydiiyay Maareeyaha guud
ee Shirkadda buuggaagta ee HEMA BOOK Cabdiraxmaan Nuur Cigaal Cilmi, waxay kaga
duwan yihiin shirkadaha kale ee wax daabaca? Waxa uu ku jawaabay “HEMA BOOK
maaha shirkad daabacaad oo kaliya,HEMA waa waxa la yidhaahdo Book Stories isku
xidhan oo dalka oodhan ka sameysan, waxaanu xarumo ku leenahay dalka oodhan,
degmooyinkana waxa noo jooga wakiil oo buuggaagta HEMA iibiya, Manhajka
waxbarashada oo kaliya kama shaqeyno ee waxaanu keenay dhammaan agabkii
waxbarashada oodhan oo isugu jira agabkii ardayga dugsiga sare dhigtaa uu
tijaabooyinka ku sameynayay marka uu soo qaato Maadooyinka Kimistariga,
Fiisigiska, iyo bay’oolajiga, waxaanu u keenay qalabkii uu ku sameynayay
tijaabada Science Lap Equipment And Chemicals aanu iskuuladii u sameyno waana
markii ugu horeysay ee ay dalkeena ka bilaabanto. Waxa kale oo aanu keenay
agabkii kale ee caruurta waxbarashadooda kaabayey, buuggaagtii sheekooyinka
ahaa, siday Kaal-kuleetarkii,Campus-kii uu ardeygu wax ku baranayey, Buggaagta
wax lagu qoro, waxyaabahaas oodhan oo ilmaha waxbarashada ka caawiya oo
jeclaysiiya.Markaa HEMA waa BOOK STORIES
isku xidhan oo dalka oodhan ka jira, qofku magaalo kasta ha joogo ama Gobol
kasta ha joogo waa inuu sida ugu fudud ku heli karo agarbkii waxbarashada ee
ilmuhu u baahna.”
Sidoo Kale, Mar la weydiiyay
Maareeye Cabdiraxmaan Nuur Cigaal Shirkadda HEMA Book waa shirkadii ugu
horeysay ee dalka laga hirgeliyo ee maal-gelisa Buuggaagta Qalinlleydu qoraan
bal arrintaasna noo faah-faahin naga sii ,? Waxa uu ku jawaabay “Waxaanu tan u
sameynay si aanu u xalino dhibaato weyn oo haysatay qorayaasha Buuggaagta, oo
ninka qoraaga ahi marka uu qoro Buuga wax kharash ah kamuu heli jirin, taasi
waxay carqalada kowaad, qorayaasha Buuggaagta waxaanu u sameynay Xarun ka furan
Gobolada oodhan oo buugiisa marka uu soo saaro laga wada heli karo.
Taasi waxay
keenaysa in aan qoraagii iyo Buugii meesha ka wada bixin, uu dhaqaalana uu ka
helo oo buugiisiina uu ahaado mid muddo sii jira, oo dadkii dibadda ayay ka soo
dalbanayaan waddamada jaarka ayay ka soo dalbanayaan, laakin dadku markii hore
fursadaasi may haysan.”
“Dawlada Somaliland oo kaliya waxaanu la
qornay 185-Buug oo tiro yar maaha. Inta aanu dad shakhsiyaad la qornay tiro
malaha oo waa tiro aad u baddan. Annagu (HEMA) waxaanu xidhiidh la leenahay
daabacadayaasha (Publishers) adduunka ugu waa-weyn sida OXFOD, CAMPRIDGE iyo
qaar kale oo baddan, oo buugaagtoodii halkan ayay taala waxaanu sidaas u
sameynay in xadaaradi iyo aqoontii adduunka taalay halkan laga heli karo. Waxa
kale oo aanu keenay Buuggaag kor u qaadaysa saqaafada iyo wax-akhriska. Waxa
Kale oo aanu xoogga saarnay in Sheecadii Diinta Islaamka laga helo HEMA maadama
aynu nahay umad 100% islaama, ma tiro yara cilmiga qoonta qoran ee aanu halkan
ku soo uruurinay.Ganacsatada waxaanu leenahay waar buuggaagta Manhajka ka
iibiya HEMO oo geeya Gobolada aad ka soo jeeda”.ayuu yiri Cabdiraxmaan Nuur
Cigaal
Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan
Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland