Madaxweyne Siilaanyo oo la dardaarmay musharaxiinta, guddida doorashooyinka iyo masuuliyiinta ay doorashaddu khuseyso
Talaado, Octobar,17, 2017
(HOL)- Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa xalay kulan la
yeeshay gudidda doorashooyinka, saddexda musharaxiin, gudoomiyeyaasha guurtidda
iyo Wakiiladda iyo lataliyeyaasha ciidamadda Somaliland.
Madaxweynaha ayaa talooyin iyo
dardaaran siiyey hay’adaha ay khuseyso doorashooyinku, waxaanu ku baaqay in
nabadgalyadda la adkeeyo oo xisbigii guul daraysta aanu dhibaato iyo khalkhal
ku dhex abuurin bulshadda.
“Doorashada aynu dhawaan u
dareerayno idam Eebbe, waxay mustaqbalkeena ku leedahay saamayn weyn. Anigu
Madaxweyne ahaan, markaan eego Baraaruga Bulshada, iyo Bisaylka Musharixiinta
Baratamaysa, wax war-war ah ma qabo. Hase-yeeshee, waxaan jecelahay in aan
dhammaan, halkan idiinka soo jeediyo, hadallo duco iyo dardaaran ah, taas oo
ah, ujeedada aan idiin marti-qaaday caawa.”ayuu yidhi Siilaanyo.
Waxa uu ku dardaarmay “Waa in aad
dhawrtaan, Shuruucda iyo Xeerarka Nidaamka Doorashooyinka dalka. Sidoo kale,
waxa waajib idinku ah, in aad u dhaga-nuglaataan, talooyinka, tilmaamaha iyo
amarrada Guddida Doorashooyinka Qaranka, ee garsoorka idiin ah.
Duco-qabayaal, waxaan idin
leeyahay "LAFAHA GURA, XARAGANA HAKA TAGINA".
2) Sidoo kale, waxa idinla gudboon, in aad
taageerayaashiina ku wacyi-gelisaan, in ay ilaaliyaan anshaxa iyo nidaamka
doorashada, isla markaana ay ka fogaadaan cunfiga, iyo wax kasta oo nabadgelyo
darro abuuri kara.
3) Waa in aynu dhinac uga soo wada jeesanno,
cid kasta oo abuuraysa xasilooni darro iyo xiisad colaadeed. Waxa waajib ku ah
muwaadiniinta Somaliland iyo musharixiinta hortayda fadhiya, in ay gacan
siiyaan ciidammada qaranka ee ku hawlan, adkaynta nabadgelyada iyo sugidda
amniga qaranka.
4) Hore ayaa loo yidhi "GUULI LABA NIN
KAMA WADA QOSLISO". Sidaa darteed, Kursigan aan ku fadhiyo, ma qaado laba
iyo saddex nin toona, ee dalkan waxa Madaxweyne ka noqonaya Nin qudha. Sidoo
kale, waxa ku-xigeen ka noqonaya hal Nin.”.
“Ma aha, guuldarada siyaasaddu,
in doorashada lagaaga adkaado, balse waxa guul darro iyo garaad xumo ah, in aad
ku gacan-saydho go'aanka Guddida Doorashooyinka iyo Maxkamadda Sare.
Waad xasuusan tihiin, in aan kaga
tegay Kursi Madaxweynenimo bishii April,
2003-gii Siddeetan Cod, oo muran ku jiray. Waxaan u tudhay shacbigayga iyo
sharaftayda, kuma khasaarin, ee taasi waxay ii goysay, in aan isla Kursigii ku
helo boqolkiiba konton codadkii codbixiyaasha dalka.
Waxaan bogaadinayaa Mudane,
Daahir Riyaale Kaahin, Madaxweynihii Hore, ee aqbalay natiijadii doorashadii
Madaxtooyada ee qabsoontay 2010-kii, ee hogaanka dalka la iigu doortay, isla
markaana xilkii qaranka iigu wareejiyey si sharaf iyo qadarin leh.
Sidoo kale, waxaan bogaadinayaa
Guddoomiyaha Xisbiga UCID Mudane, Faysal Cali Wareebe, oo isna aqbalay
natiijadii doorashada. Guddoomiye Faysal, waa waayo-arag, waxaanan ku amaanaya
inuu aqbalay go'aamadii Guddida Doorashooyinka Qaranka ee natiijadii 2003-gii,
2005-kii iyo 2010-kii. “ayuu hadalkiisa raaciyey.
Mar uu la hadlayey guddida
doorashooyinka waxa uu yidhi “Guddida Doorashooyinka Qaranka, waxaan kula
dardaarmayaa; DEDAAL, DUL-QAAD IYO DAACADNIMO.
WAXAAN UGA DIGAYAA GAR WEECSAN,
IYO GUDDOON JILICSAN, OO AH GEERIDA GUDDI DHEX-DHEXAAD AH IYO HAY'ADAHA
GARSOORKA.
Waxaan idiinku ducaynayaa, in
ilaahay idin garab galo, xilkana idinku asturo.
Ugu dambayn, dhammaan ciidammada
qaranka, waxaan ku bogaadinayaa, habeen iyo maalin heeganka ay ugu jiraan,
difaaca iyo adkaynta Nabadgelyada dalkooda hooyo.”
Mar kale isagoo la dardaarmaya
ciidamada qaranka waxa uu yidhi “Taliyayaasha Ciidammada Qaranka, waxaan kula
dardaarmayaa, in ay dedaalkooda laban laabaan xilligan, iyo in ay si buuxda ula
shaqeeyaan Guddida Doorashooyinka Qaranka. Dhinaca kale, waxaan farayaa in ay
gacan bir ah ku qabtaan, cid kasta oo isku dayda, in ay fawdo iyo fad-qalallo
ka abuurto dalka. Ciidammada Qaranka, waxa ka reebban, in ay ku dhex milmaan
ololaha doorashada, iyo Xisbiyada intaba.”
Waxa kale oo uu fariin u diray
shacabka Somaliland waxa uu yidhi “ Waxaan shacbiga Somaliland leeyahay, musharixiintu
xaq idiin kuma laha, in ay idin dhex-dhigaan colaad iyo ciil-qab. Balse waxay
xaq idiinku leeyihiin oo keliya, in ay idin weydiistaan caawimo iyo cod. Sidaa
darteed, waxaan idiinku baaqayaa, in aad xil weyn iska saartaan, ilaalinta
midnimada, wada-jirka, nabadgelyada iyo qaranimada dalka.
Guntii iyo gabe-gebadii, anigoo
munaasibaddan ka faa'iidaysanaya, waxaan cambaareynayaa, falka argagixisada
foosha xun, ee ka dhacay caasimadda dalka aynu deriska nahay ee Soomaaliya.
Waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa, Qoysaskii iyo Qaraabadii, ay ka baxeen
dadkii rayidka ahaa, ee halkaa ku geeriyooday.”
Barkhad-ladiif M. Cumar,
Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland.