4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, May 9 , 2017
AMISOM oo sheegtay in aysan ka warqabin amar gadiidkooda looga mamnuucay qaar ka mid ah jidadka Muqdisho

 

Talaado, May, 09, 2017 (HOL) - Iyadoo saacadihii ugu danbeeyay ay soo baxayeen warar sheegaya in maamulka gobolka Banaadir ka mamnuucay gadiidka ciidamada AMISOM isticmaalka waddada Maka Al-Mukarrama ayaa waxaa arintaa ka hadlay afhayeenka ciidamada AMISOM Joe Kibet.

Afhayeenka oo maanta la hadlayay qaar ka mid ah warbaahintaayaa sheegay in uusan ka warqabin amar ah ku saabsan arrintan, balse ay ku arkeen oo kaliya baraha bulshada.

Joe Kibet ayaa sheegay in hadii warqad uu soo gaarsiiyo guddoomiyaha gobolka Banaadir ay noqoneyso mid Taliska oo dhan ay ka shiraan go’aan ka gaaraan.

“Illaa iyo hadda taliska wax amar ah oo arintan ku saabsan oo soo garay malaha, hadii ay na soo gaartana Taliska oo dhan ayaa ka shiraya, go’aan ayaa ka soo saari doonaa”ayuu yiri Afhayeenka AMISOM

Guddoomiyaha gobolka Banaadir Taabid Cabdi Maxamed amar ka soo baxay looga mamnuucay gadiidka AMISOM in ay isticmaalaan waddada Maka Al-Mukarrama oo ah jidka ugu muhiimsan caasimada uguna mashquulka badan.

Tallaabada AMISOM looga joojinayo isticmaalka waddada ayaa ah mid wanaagsan, maadaama horay ay u geysteen shilal kala duwan, balse amar kasta oo soo baxa waxay u baahan tahay fulinteeda, waxaase la ogeyn sida ay u dhaqan gelin doonaan ciidamada AMISOM

Gadiidka AMISOM ayaa inta badan loo jeediyaa eedeymo ah in ay dadka shacabka ku dhibaateeyaan jidadka caasimada, waxaana jiray dad horay gadiidka AMISOM ay u jiireen, hasse ahaatee aan wax tallaabo ah laga qaadin.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]