4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, May 9 , 2017
Wasaaradda Biyaha Somaliland iyo Maayarka Berbera oo maamulka wakaaladda Biyaha ee Berbera

 

Talaado, May, 09, 2017 (HOL) - Wasiirka biyaha iyo khayraadka Somaliland Xuseen Cabdi Boos ayaa bedelay maareeyihii wakaaladda Biyaha ee Berbera taas oo ka cadhaysiiyey maayarka Berbera oo ku dooday in wakaalada Biyaha Berbera hoos timaaddo maamulka dawladda hoose ee Berbera.

Khilaafkan soo kala dhexgalay golaha deegaanka ee Berbera oo uu hor kacayo maayarka magaaladda Berbera Cabdishakuur Cidin iyo wasiirka Biyaha oo uu taageerayo Badhasaabka gobolka Saaxil, ayey wararku sheegayaan inay isku haystaan cidda awoodda u leh bedeladda maareeyaha biyaha iyo cidda maamusha, waxaanay maayarka iyo golaha deegaanka degmadda Berbera ku doodayan in masuuliyadda wakaaladda Biyuhu hoos timaado,isla markaana aanay sharci ahayn in la bedelo wakhti xaadirkan oo lagu jiro kulayl iyo xagaagii oo bilaabmay.

Hase ahatee, wasaaradda Biyaha Xuseen Boos ayaa sheegay in wakaalada biyaha berbera hoos timaadddo wasaaraddiisa, sidaas darteed ay awood u leeyihiin inay bedeli karaan mid cusubna soo magacaabi karaan.

Afar bilood ka hor ayaa xildhibaanadda golaha deegaanka ee Berberi go’aansadeen inay la wareegaan wakaaladda Biyaha oo la hoos geeyo maamulka dawladda hoose ee Berbera, taas oo ka soobaxay go’aan gole deegaan.

 

Wasiirkii hore ee Biyaha Baashe Cali Jaamac ayaa hore khilaaf sidan oo kale ah u dhex maray Maayarka Berbera, taas oo cirka isku shareertay.

Wasiirka wasaarada Biyaha iyo Badhasaabka gobolka Saaxil ayaa damacsanaa in si degdeeg ah xilka wakaaladda u kala wareejiyaan maareeyihii hore iyo maareeyaha cusub.

Sida wararka ku helayno khilaafkan ayaa salka ku haya cidda awoodda u leh maamulka wakaaladda Biyaha ee Berbera, sidaas darteed haddii aan degdeg loo xalin arrintan wuxu keenaya in wakhtigan xagaaga la gallay oo Berberina ka mid tahay meelaha ugu kulul oo biyo badan loo baayahan uu khilaafkaasi dhibaato u keeni karo dadweynaha ku nool magaaladda.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland.