Nin aad ugu eg cayaaryanka reer Argentine Lionel Messi oo lagu xiray dalka Iiraan
Talaado, May, 09, 2017 (HOL) - Booliis ayaa
xiray Arday reer Iiraan ah oo aad ugu eg ciyaaryahanka caanka ah ee reer
Argentine Lionel Messi.
Dad badan oo ku sugan magaalada Hamaden ee dalka Iiraan ayaa doonayay in ay
sawirro la galaan Reza Parastesh, booliiska ayaana isaga iyo gaarigiisiiba
geeyay saldhigga si loo joojiyo jahwareerka ka dhashay dad badan oo isugu soo
arruuray ninkan.
Mushkiladda ayaa billaabatay billooyin ka hor markii aabaha dhalay ninkan u
eg Messi uu wiilkiisa ku qalqaaliyay in uu sawirro ku galo funaanadaha uu ku
dheelo Messi ee ay dhabarka kaga qoran yihiin magaciisa iyo lambarka tobnaad ee
uu ku dheelo.
Wiilkan 25 jirka ah ayaa intaas ka dibna billaabay in uu timaha u jarto sida
Messi garkana sii daysto.
Wakaaladda wararka ee AFP ayuu u sheegay in ay hadda dadku u arkaan
Messi-gii reer Iiraan ayna doonayaan in aan matalo waxkaste oo uu sameeyo.
Marka uu meelaha tagana ay dadku aad u yaabaan.
"Waan ku faraxsanahay in aragtidayda ay ku farxaan, farxaddaas ayaana
dhiirigalin badan ka helaa".
Warbaahin badan ayaa ka dalbatay in ay waraysi la yeeshaan, qandaraasyo xayaysiin
dhar ayuuna helay.
Waxaa kale oo uu sheegay in uu baranayo xeelado kubadeed si uu ugu sii
ekaado Messi.
Xigasho : BBC
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]