4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 9 , 2017
Madaxweyne Farmaajo oo ballanqaaday dib-u-tayenta kooxda Hobolada Qaranka ee Waaberi

 

Talaado, May, 09, 2017 (HOL) -Madaxweynaha dowladda Federalka ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo, ayaa xalay la kulmay kooxda Hobolada Waaberi.

Qaar ka mid ah Abwaanada iyo fanaaniinta kooxda Qaranka ee Waaberi ayaa kulanka ka qeyb-galay, kuwaas oo Madaxweynaha u jeediyay tallooyin ku aadan sidii cududa kooxda looga dhigi lahaa sidii ay ahaan jirtay waagii hore.

“Hobolada Waaberi waa kooxda keliya ee bulshada wacyigelin karta, heesaha iyo murtida waxaa ay aas-aas u yihiin nabada iyo is dhex-galka bulshada. Dadka qaar ayaa yiraahda heesaha waa xaaraan, balse anniga ma aaminsani in ay xaaraan yihiin, suugaanta waa waxyaabaha keliya ee dadka wax lagu fahansiin karo”, ayuu yiri Madaxweyaha dowladda Federalka ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo.

Dhinaca kale Madaxweynaha ayaa sheegay in uu u yeeri doono fanaaniinta iyo Abwaanada Qurba-joogta noqday, waxaana uu ballanqaaday in uu siin doono Qalabka ay ubaahanyihiin iyo mushaarkooda si ay u hormariyaan fanka Soomaaliya.

Kullanka Madaxweynaha iyo Kooxda Waaberi waxaa ka qeyb-galay, Wasiirka warfaafinta iyo hanuuninta dadweynaha Cabdiraxmaa Yariisow iyo marti kale.

Kooxda Waaberi, ayaa kala daadsanaan xooggan ay ka dhex muuqatay tan iyo bur-burkii dowladdii dhexe ee Soomaaliya, waxaana ay ahaayeen kuwa aan inta badan laga warqabin, siiba intii lagu guda jiray dowlad la’aanta.

Fanaaniinta kooxda Waaberi waxaa ugu caansanaa:- Xaliimo Cumar Khaliif Magool, Xasan Aadan Samatar, Khaliijo Daleys, Seynab Xaaji Cali Baxsan,  Maxamed Saleebaan Tubeec, Beer dilaacshe, Saada Cali Warsame, Salaad Derbi, Zeynab Cige, Khadiijo Foodeey, Cumar Cabdudlle Axmed, Cali Cigaal, Khadra Daahir Cige, Maryan Mursal Ciise, Faadumo khaasim Hiloowle, Maandeeq, Axmed Mooge iyo Hiba Nuura.

Abwaanada kooxda Waaberi waxaa ugu caansa:- Abwaan Hadraadi, Maxamuud Cabdullahi singub, Cabdi Muxumud Amiin, Kaariye Cusmaan Aadan Askari, Xasan Geney, Tukaale, Cabdi dhuux iyo Cal Sugule.

Rubaayadihii ugu caansanaa ee kooxda Waaberi waxaa ka mid ah:- Shabeel Naagood, Yaxaasdhega duub, Qabrigii jaceelka, Xuud baa laqay jaceylka iyo dab jaceel karin waa.

Fanaaniinta iyo Abawaanada kooxda Waaberi ayaa intooda badan ah kuwo geeryooday iyo kuwa hadda ku nool dalka dibadiisa, waxaana ay kala firxadeen markii ay bur-burtay dowladdii dhexe ee Jeneraal Maxamed Siyaad Barre.

Hiiraan Online,
Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu,Somalia