4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, May 9 , 2017
Wararkii ugu danbeeyay dagaalka deegaanka Goofgaduud ee gobolka Baay

Talaado, May, 09, 2017 (HOL) – Wararkii ugu danbeeyay ee naga soo gaaraya deegaanka Goofgaduud ee gobolka Baay ayaa sheegaya in gacan ku heynta deegaankaas 30km u jira magaalada Baydhabo la wareegeen Al-shabaab.

Xoogagga Al-shabaab ayaa weerar culus subaxnimadii hore ee saakay ku qaaday fariisimo ciidamada maamulka Koonfur galbeed ku lahayeen deeganka Goofgaduud, waxaana halkaa ka dhashay khasaare ballaaran oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac soo kala gaaray dhinacyadii dagaalamay.

Saraakiil ka tirsan militariga Soomaaliya ayaa sheegay in ciidamo gurmad ah oo ka baxay Baydhabo qarax miino lagula eegtay inta aanay gaarin deegaanka, isla markaana uu jiro khasaare.

Afhayeen u hadlay Al-shabaab ayaa sheegay in dagaalka deegaanka Goofgaduud sida uu hadalka u dhigay ku dileen 17 askari oo ka tirsanaa ciidamada maamulka Koonfur galbeed.

Magaalada Baydhabo wariye ku sugan ayaa warbaahinta u sheegay in isbitaalka magaalada la dhigay meydadka iyo dhawacyada ciidamada maamulka Koonfur galbeed ee lagu weeraray saakay Goofgaduud.

Shacabka ku dhaqan deegaanka oo markii horeba wajahayay xaalad adag oo dhinaca nolasha ah ayaa isaga barakacay, iyaga oo ka cabsi qaba wayeelo ka soo gaarta dagaalka u dhaxeeya dhinacyada iska soo horjeeda.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]