4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 9 , 2017
Fanaanadda Sahra Mire Wehliye oo ku geeriyootay dalka Uganda

 
Talaado, May, 09, 2017 (HOL) -Fanaanadda Soomaaliyeed ee Sahra Mire Wehliye, ayaa shalay ku geerootay Magaalladda Mbarara ee galbeedka dalka Uganda.

Allah ha unaxariistee fanaanadda waxaa ay ka mid ahaan jirtay fanaaniintii ciidanka asluubta Soomaaliyeed ee dowladdii Kacaanka.

Sahra ayaa waxaa ay qaxootii ku ahayd dalka Ugandha oo shalayna ay ku geeriyootay.

Fanaaniin iyo Abwaano ayaa ka tacsiyadeeyay geeridda Sahra, waxaana ay Allah uga baryeen in uu janadii fardowsa uu ka waraabiyo.

Hobolada Soomaaliyeed kuwoodii waaweynaa ayaa intoodii badan geryooday, waxaana lagu xusuustaa kaalintii ay ka soo qaateen hormarka dalka Soomaaliya iyo dowladdii kacaanka.

Taariikhda fanaanadda waan idin soo gudbineynaa.

Hiiraan Online,
Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu,Somalia