4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 9 , 2017
Dagaal culus oo ka socda deegaanka Goofgaduud iyo Dhaawacyo la gaarsiiyay isbitaalka Baydhabo

Talaado, May, 09, 2017 (HOL) –Warar naga soo gaaraya magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay ayaa sheegaya in goor dhaw la gaarsiiyay isbitaalka magaalada meydadka iyo dhaawacyo qaar ka mid ah ciidamada maamulka Koonfur galbeed kaddib dagaal culus oo ka soconaya deegaanka Goofgaduud ee dulleedka magaalada Baydhabo.

Wariye ku sugan magaalada Baydbabo ayaa warbaahinta u sheegay in meydadka iyo dhaawacyada la soo gaarsiiyay isbitaalka Baydhabo qeyb ka ahaa ciidamada maamulka gobolka Baay ee dagaalka la galay xoogagga Al-shabaab.

Ciidamo gurmad ah oo ay horkacayaan saraakiil ka tirsan maamulka Koonfur galbeed ayaa lagu waramayaa in ay ku sii jeedaan deegaanka Goofgaduud oo wararka ka imanaya sheegayaan in wali uu ka soconayo dagaal u dhaxeeya Al-shabaab iyo ciidamada maamulka.

Deegaanka Goofgaduud oo 30km u jira magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay dhowr jeer oo hore waxaa ku dagaalamay ciidamada dowladda iyo dagaalamayaasha Al-shabaab.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]