4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, May 9 , 2017
Madaxweyne Farmaajo iyo qaar ka mid ah madaxda dowlad gobolleedyada oo u anbaxay magaalada London

 


Talaado, May, 09, 2017 (HOL) – Waxaa goor dhaw ka anbabaxay garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo qaar ka mid ah madaxda dowlad gobolleedyada oo ku sii jeeda shirka la filayo in maalinta Khamiista ah si rasmi ah uga furmo magaalada London.

Wafdiga madaxweynaha ayaa waxaa ka mid ahaa ra'iisal wasaare ku-xigeena dalka, wasiirka wasaarrada gaashaandhiga iyo xubno ka tirsan la taliyayaashiisa, iyo madaxweynayaasha dowlad gobolleedyada Koonfur galbeed, Hirshabeelle iyo Galmudug.

Madaxweynayaasha Jubbaland iyo Puntland ayaa maalmo ka hor u sii ambabaxay Nairobi, iyagoo London uga sii gudbaya, waxaana lagu wadaa inay caawa gaaraan magaalada London.

Shirka London ee looga hadlayo arrimaha Soomaaliya ayaa furmi doona 11-ka bishan oo ku beegan maalinta Khamiista, iyadoo maalinta berri ay dhici doonaan shirar horu dhac.

Shirka ayaa qodobada lagu soo qaadi doono waxaa ka mid ahaa taageerida Soomaaliya ee dhinacyada, siyaasada, Amniga, dib u dhiska, kobcinta dhaqaalaha iyo qodobo kale.

Madaxweynaha Soomaaliya, Ra’iisul Wasaaraha Britain iyo Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey ayaa si wadajir u shir guddoomin doona shirka.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]