4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 9 , 2017
Ciidamada Kenya oo Qarax lagula eegtay magaalladda Gaarisa

 
Talaado, May, 09, 2017 (HOL) -Kolonyo ay la socdeen ciidamadda dowladda Kenya, ayaa Qarax miino lagula eegtay magaalladda Gaarisa ee Gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya.

Qaraxa miino ayaa waxaa uu ka dhacay meel u dhow deegaanka Libooye, sida dad goobjoogayaal ah ay sheegeen.

Saddex askari oo ciidamadda KDF-ta dalka Kenya ka tirsan ayaa ku dhaawacmay Qaraxa, sida saraakiil ay sheegeen.

Al shabaab ayaa inta badan weeraro noocaan oo kala ah la eegta gawaaridda ciidamada dowladda Kenya, balse hadda ma jirto cid sheegatay mas’uuliyada Qaraxa.

Madaxda dowladda Kenya wali kama aysan hadlin khasaaraha ka dhashay Qaraxa.

Ammaanka magaalladda Gaarisa ee Gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya, ayaa maanta aad loo adkeeyay, waxaana la arkayaa ciidamadda KDF-ta dalka Kenya oo magaalladda dhex maraya.

Dhinaca kale Bishii May ee sanadkii hore Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa booqasho ku tagay xarunta jaamacada Gaarisa ee Waqooy Bari Kenya, halkaas oo Al Shabaab weerar ay ku qaadeen.

Uhuru ayaa kulan la qaatay madaxda magaalladda Gaarisa iyo ururada bulshada halkasi ka shaqeeya.

Al Shabab ayaa weerar culus ku qaaday Jaamacada Gaarisa 2dii April sanadkii 2015kii halkasi oo ay ku dilen in ka badan 140 qof oo isugu jiray Arday iyo ciidamada Amniga.

Hiiraan Online,
Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu,Somalia