4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 9 , 2017
Gawaaridda AMISOM oo laga mamnuucay in ay isticmaalaan waddada Makka-Almukarama

 
Talaado, May, 09, 2017 (HOL) -Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalladda Muqdisho Mudane Thaabit Cabdi Maxamed, ayaa soo saaray amar cusub oo gawaaridda AMISOM ka mamnuucaya in ay isticmaalaan Waddada dheere ee Makka- Almukarama ee Muqdishu.

“Isgooyska Sayidka (Oto-Oto) Ilaa Isgooska Banaadir laga bilaabo saacadaha 6:00 Subaxnimo Ilaa 12:00 Habeenimo, gawaaridda AMISOM ma isticmaali karaan”, sidaasi waxaa yiri Guddoomiyaha.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalladda Muqdisho Mudane Thaabit Cabdi Maxamed, ayaa sheegay in amarka uu dhaqan-galay shalay oo taariikhda ay ku beegneyd 8-da bisha May ee sanadkan 2017.

Dhinaca kale afhayeenka maamulka Gobolka Banaadir Cabdifitaax Cumar Xalane, ayaa yiri “Amarkan waxaa uu yimid, kadib markii Guddoomiyaha Gobolka uu arkay tallooyinka hay’addaha ammniga iyo cabashada dadka rayidka ah". 

Gawaaridda AMISOM, ayaa inta badan waxaa ay shilal ka geystaan waddada mashquulka badan ee Makka- Almukarama.

Waddada Makka- Almukarama ee Muqdishu, ayaa ah wadda keliya ee ugu mashquulka badan caasimada Soomaaliya, waxaana ay kuugu qaadaneysaa in aad dhex-marto ugu yaraan 30 daqiiqo.

Hiiraan Online,
Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu,Somalia