4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 8 , 2017
Booliska Bosaaso oo soo Bandhigay nin muddo 25-sano ah sixirka ku shaqaysanayay


Isniin, May, 08, 2017(HOL) –Ciidamada amniga magaalada Bosaso ayaa maanta soo xiray nin muddo 25-sano ah ku shaqaysanayay sixirka , isla markaana la sheegay in uu sixray dad kala duwan oo ay ku jiraan madax ku jira siyaasad-da Somaliya.

Ninkan oo lagu magacaabo Maxamed Cismaan Yuusuf ayaa lala soo qabtay qof kale oo caawiye u ahaa , xilli ay ku sugnaayeen guri ku yaala duleedka magaalada Bosaso sida uu sheegay taliyaha Taliyaha Saldhiga bartamaha Boosaaso G/Sare Yuusuf Axmed.

‘’Nimankaan waxaa soo qabtay ciidanka Booliska qaybta gobolka Bari saldhiga ayay keeneen, waa niman Saaxiriin ah oo dadka Sixri jiray, maadama ay Saaxiriin yihiin baaris ayaa ku socota, waxa uu wato Gurigiisa ayaa laga soo qaaday’ ayuu yiri taliyaha oo sheegay in eedaysanaha sharciga la horgayn doono.

Booliska ayaa soo bandhigay Lafo Ari oo shiilan, Loox lagu dhajiyay Masaamiir, Caws, Baalka Xayawaanka loo yaqaan Caana-qubta, salool buskud  iyo waxyaabo kale oo la sheegay in ninkan uu adeegsan jiray sixirka.


‘’Muddo 25-sano ah ayaan joogay Boosaaso oo aan garaacayay Mingiska iyo Rooxaanta, anniga oo jiifa oo Qaad cunaya ayaa la iso xiray, waxaa la igu soo qabtay Lafo iyo Caws waa wixii aan Rooxaanta ku garaacayay’’ Ayuu yiri Maxamed Cismaan oo la hadlay wariyayasha.

‘’Lafaha Rooxaanta ayaan kuso dejinaa, waana sharaxnaa Lafaha ka dibna waxaan saarnaa cawska, dadka lacago ayaan ka qaadanaa, kuwo Konton Doolar ayaan ka qaadi jiray, halka kuwo kalena aan lacago kale ka qaadan jirnay’’ mar kale yiri saaxirkan.

Ugu danbayn,taliyaha ayaa sheegay in ninkan la soo taagi doono maxkamad-da si loogu qaado danbiga lagu soo eedeeyay ,waxaana arintan ay ku soo beegmaysaa ,iyada oo sixirka uu aad ugu soo badanayo qaybo badan oo kamid ah dalka. 

Faysal M. Hassan
[email protected]