4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 8 , 2017
Ra’iisul wasaaraha iyo Midowga Yurub oo ka wada hadlay Burcad-Baddeeda iyo kalluumeysiga Sharci darrada

Isniin, May, 08, 2017 (HOL) -Ra’iisul wasaaraha Xukumadda Soomaaliya Xasan Cali Khayre iyo madaxda howlgalka Midowga Yurub ee la dagaalanka kooxaha Burcad-Baddeeda  Soomaalida ayaa isku afgartay in la xoojiyo ciribtirka kooxaha Burcad-Baddeeda iyo ka hortagida kalluumeysiga sharci darrada ah.

Xasan Cali Khayre, ayaa maanta ka qeyb-galay kulan lagu qabtay dusha Markab dagaal oo dowladda Spain ay leedahay oo dul fadhiyay Badweynta India. 

“Burcad-Baddeednimo ma ahan  dhaqan Soomaaliyeed, waxaan Midowga Yurub ka codsanay in ay dar-dar geliyaan la dagaalanka Burcad-Baddeeda iyo kallumeysiga sharci darrada ah”, ayuu yiri Mudane Xasan.

Dhinaca kale Ra’iisul wasaaraha, ayaa sheegay in uu ka codsaday Midowga Yurub in lasii wado tababarada la siiyo ciidamadda badda ee dowladda Soomaaliya.

Sidoo kale kulanka waxaa ka hadlay Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya H.E Veronique Lorenza, waxaana ay sheegtay in Midowga Yurub ay sii wadi doonaan howgalka ka dhanka ah Burcad-Baddeeda Soomaalida.

Brig. Gen Maurizio Morena, oo ah taliyaha howlgalka Midowga Yurub ee la dagaalanka Burcad-Baddeeda ayaa dhankiisa rajo wanagsan ka muujiyay in laga adkaan karo kooxaha kalluumeysiga sharci darrada ah ku haya xeebaha Soomaaliya iyo kooxaha kale ee Burcad-Baddeeda Soomalidda.

“Ciidamada Badda Midowga Yurub waxaa ay difaacayeen maraakiibta u raran WFP tan iyo sanadkii 2008, waxaana lagu guuleystay in dadka Soomaaliyeed si nabad ah loogu keeno 1.3 million oo tan oo kaalmo bani’aadanimo ah”, sidaasi waxaa lagu yiri war kasoo baxay madaxda howlgalka, 

Kulanka madaxda howlgalka Midowga Yurub ee la dagaalanka Burcad-Baddeeda  iyo Ra’iisul wasaaraha Xukumadda Soomaaliya Xasan Cali Khayre, waxaa uu ka dhacay dusha Markabka dagaal ee lagu magacaabo ESPS Galicia.

Kalluumeysiga sharci darrada ah ayaa ku badan badda Somaaliya, waxaana taasi ay saamayn ku yeelataa kalluumeysatada Soomaalida ah.

Hiiraan Online,
Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu,Somalia