4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, May 8 , 2017
Faah faahin : Qarax xooggan oo galabta ka dhacay magaalada Muqdisho Sawirro


Isniin, May, 08, 2017(HOL) – Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax xoogan oo galabta ka dhacay maqaayad ku taalla waddada Maka Al-Mukarrama gaar ahaan ka soo horjeedka Ex-Shineemo Soomaaliya.

Qaraxan ayeey goob joogayaal sheegeen in loo adeegsaday gaaari walxaha qaraxa laga soo buuxiyay oo la dhigay afaafka hore ee maqaayadan oo magaceeda la yiraahdo Italian Coffe.

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya tirada dadka ku dhintay iyo kuwa ku dhaawacmay weerarka qaraxa loo adeegsaday, hasse ahaatee markii uu qaraxa dhacay ayaa la sheegay in maqaayadu aheyd mid siweyn u camiran oo ay fadhiyeen dadka kala duwan.

Ciidamada amaanka dowlada ayaa xiray goobta qaraxani ka dhacay, iyagoo rasaas goos goos ah hawada u ridayay si ay ugu kala ceyriyaan dadweyne badan oo halkaas ku yaacay si ay indhahooda ugu soo arkaan khasaaraha goobta ka dhacay.

Gaadiidka Dabdamiska ah oo goobta gaaray ayaa demiyey gaadiid badan oo goobta qaraxu ka dhacay ku gubanayey, sidoo kale gaadiidka gurmadka deg deg ah ee ambalaasta ayaa iyana ku howlanaa sidii ay isbitaalada u gaarsiin lahaayeen dadka ku dhaawacmay qaraxan.

Saraakiisha laamaha amaanka dowlada ayaan illa hadda ka hadlin qaraxan oo noqonaya kii labaad ee 24 saac gudahood ka dhaca wadada Maka Al-Mukarama, kaddib qarax lagu soo xiray gaari oo maqribnimadii shalay ka dhacay isla waddada Maka Al-Mukarrama oo lagu dhaawacay sarkaal ka tirsanaa hay’adda Nabadsugida.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]