4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 8 , 2017
Xisbiga WADDANI oo cabasho uu ka tirsanayo xukuumadda u gudbiyey madaxweyne Siilaanyo

 

Isniin, May, 08, 2017 (HOL)- Musharaxa madaxweynaha ee xisbiga WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro ayaa sheegay inay kulan gaar ah la yeesheen madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo,isla markaana u gudbiyeen cabasho ay qabaan.

Gudoomiyaha golaha Wakiiladda Cabdiraxmaan Cirro ayaa sheegay inay madaxweynaha u gudbiyeen dareenka beesha caalamku ka qabaan arrimaha doorashooyinka iyo dimuqraadiyada, waxa kale oo uu sheegay in cabashooyin isbarkan oo dhinaca xukuumadda ka tirsanayaan u gudbiyeen si wax uga qabto, waxaanu gudoomiye Cirro ku dooday in xisbiyadda mucaaradka shaqadooddu tahay kaliya inay wax dhaleeceeyaan oo xukuumadda mar walba wax ka sheegaan, taasna ay xukuumaddii diidantahay.

“Anagoo ka wakiila ah xisbiga WADANIi waxa madaxweynaha la kulmay aniga iyo Cabdiqaadir Jirde, fariin tii aanu ka qaadnay xisbiga ayaanu madaxweynaha kala hadalnay, mid wuxuu ahaa arirnta dimuqraadiyada iyo doorashada, madaxweynaha waan kala hadlay  in arrimaha doorashooyinka si dhow looga wado hadlo oo garoon loo siman yahay lagu tartamo in laga digtoonaado waxyaabaha sababi karta in doorashaddu dib u dhacdo,waxa kale oo aan u gudbinay dareenka beesha caalamku ka qabto dib u dhac ku yimaadda doorashooyinka iyo dumuqraadiyadda”ayuu yidhi Cirro.

Guddoomiye Cirro waxa kale oo uu sheegay in uu u gudbiyey madaxweynaha cabashooyin ay ka tirsanayan xukuumadda, waxaanu yiri “Cabashooyin is barkaday oo faro badnaa oo xisbigu ka tabanayey habka loola dhaqmay masuuliyiin xidhxidhan oo xisbiga ka tirsan iyo arrimaha in lagaga wado hadlo, marka duruufo sidaas oo kale soo kordhaan, waanu ka wada hadalnay in masuuliyiinta xisbiga la siiyo mudnaanta ay leeyihiin, in xisbiga mucaaradku dambi noqonin inuu xukuumadda dhaleeceeyo oo shaqadiisu tahay inuu xukumada wax ka sheego ama dhaleeceeyo,  waxaanu isla garanay in wixii soo kordha xukuumada iyo asxaabta iyo guddida doorashooyinka marka loo baahdo si wada jir ah iskugu yimaadaan.”

Xisbiga mucaaradka ah ayaa ka cabanaya xukuumadda, waxaanu sheegay in masuuliyiin ka xidhan kala hadleen madaxweynaha.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland.