4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 8 , 2017
Qarax ka dhacay Muqdisho

 
Isniin, May, 08, 2017 (HOL) -Gaari miineysan ayaa ku Qarxay bannaanka hore ee maqaayadda Italian Coffee Restaurant ee ku taalla Waddada Maka Al mukarama ee magaalladda Muqdishu, sida goobjoogayaal ay sheegeen.

Maqaayadda Qaraxa uu ka dhacay ayaa waxaa ay u dhowdahay xarunta socdaalka ee dawladda federalka ee Soomaaliya.

Ugu yaraan lix ruux ayaa dhintay, halka shan kalana ay ku dhaawacmeen Qaraxa, sida laamaha ammaanka ee dowladda ay sheegeen. 

Hiiraan Online ayaa ogaatay in dadka Qaraxa ku geeryooday uu ka mid yahay sarkaal sare oo lagu magacaabo Cabdi Bashiir Aadan oo ku magac dheer (Roha).

Dadka uu khasaaraha kasoo gaaray Qaraxa waxaa ay u badanyihiin dad rayid ah oo goobta ku sugnaa. 

Garaariga Qarxay ayaa la sheegay in uu ku jiray "Parking", sida dad ku sugnaa maqaayad Italian Coffee ay u sheegeen Hiiraan Online. 

Wadda Maka Al Mukarama oo ah halka Qaraxa uu ka dhacay ayaa ah waddada ugu mashquulka badan ee dhex marta magaalladda Muqdishu.

Ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda weerarka ilaa iyo hadda. 

Dhinaca kale xalay Waddada Maka Al-Mukarama ee magaalladda Muqdisho waxaa ka dhacay qarax, kadib markii sarkaal ka tirsan ciidanka Nabad sugida gaarigiisa loogu xiray Qarax.

Sarkaalka gaarigiisa Qaraxa lagu xiray ayaa la sheegay in uu dhaawac soo gaaray, waxaana hadda lagu dabiibayaal mid ka mid ah isbitaaladda ku yaalla Magaalladda Muqdishu.

Hiiraan Online,
Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu,Somalia