4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 8 , 2017
Hay'adda HelpLife Foundtion oo xustay sanadguuradeedii 2aad Minnesota (Sawiro/Video)

Isniin, May, 08, 2017 (HOL) - Hay’adda HelpLife Foundtion ayaa sanadguuradadii labaad ku xustay magaaladda Minneapolis  ee gobolka Minnesota. Hay’adaan ah mid ka shaqanaysa sidii dadka Soomaaliyeed biyo nadiifa ay ku heli lahayeen ,doonaysana inay ceelal ka qodo dhulka Soomaaliyeed .

Xafladaan oo loo soo agaasimay si heer sare ah ayaa waxaa lagu daawaday cajaladd maqal iyo muuqaala ah oo ka hadlaysay waxqabadkii hay’adaan ayaa lagu daawaday hal ceel oo ay ka hirgaliyeen
  tuulada Masagan ee gobolka Sanaag sanadkii hore.

Ibraahim Cali Xaaji madaxa hay’adan oo ka warbaxiyey qorshahooda ayaa sheegay inay doonayaan inay ka qodaan ceelal biyood dalka Soomaalia ,isagoo khudbadiisii ku daray in dagaanka Masagan ee gobolka  Sanaag oo ceelkii ugu horeeyay ka qodeen in abaarahii dalka ka jiray aan laga qaxin ee loo soo qaxay ,Ibraahim waxaa kaloo uu ka waramay in qorshaha ugu jiraan inay iibayaan qalabka ceelasha lagu qodo isla markaana ay dalka geeyn doonaan qubaro ku shaqada leh arimaha qodida biyaha isagoo ka rajeenaya inay ka keenaan dalalaka Hindiya ama Kiinya.

Marti sharaftii laga soo  casuumay xafladaan ayaa waxaa ka mid aheed Hodan Naaleeye oo ah gabarta aasaastay Integration TV oo ka soo baxa Toronto Canada ,iyadoo ka warantay safar ay dhawaan ku tagtay waqooyiga Soomaaliya ,waxayna dadka soomaaliyeed fartay in magaalooyinka la camiro dalkana qurbo joogtu dhisaan iyadoo aad ula hadashay dhalinyaradda ku dhalatay  galbeedka inay tagaan dhulkii soona arkaan halka ay waalidiintoodu ku soo koreen

Intii xafladda socday ayaa waxaa la gudoonsiiyey abaalmarino shaqsiyaad lagu xushay wax qabadka bulshada, waxaana ka hadlay marti sharaf kala duwan.

Siyad Said Salah

Hiiraan Online

[email protected]

Minneapolis MN