4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, May 8 , 2017
Xilka hanti dhowrka guud ee Qaranka oo si KMG loola wareegay

 

Isniin, May, 08, 2017(HOL) –Ku-xigeenkii Hanti Dhowrka guud ee Qaranka Cali Abuukar Axmed ayaa maanta ku-meel-gaar ah xilka ula wareegay kaddib markii Digteeto ka soo baxday xafiiska madaxweynaha xilka looga qaaday hanti Dhowrihii Qaranka Dr Nuur Faarax Jimcaale.

Munaasabada uu xilka kula wareegay Cali Abuurka Axmed ayaa waxaa ku sugnaa wasiirka wasaarrada maaliyada xukuumada Soomaaliya, wasiirka wasaarrada cadaallada, agaasimmo waaxeedyo iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan dowladda.

Ma uusan joogin goobtii xil wareejinta Hanti Dhowrihii xilka laga qaaday Dr Faarax Nuur Jimcaale oo mar ku gacan-seray in xilka ay ka qaadeen golllaha wasiirada, hasse ahaatee markii danbe madaxweynuhu xeer ku soo saaray.

“Waxaa sharaf inoo ah in wasiirada ay ka soo qeybgalaan xil wareejinta xafiiska hanti dhowrka guud, xafiiskan howlihiisa waa ay badan yihiin,  inta ugu muhiimsan waa baarista hore iyo baarista dambe, baarista hore waxay tahay diiwaangelinta waarannada, heshiisyada maaliyadda, qandaraasyada, dalacaadda xilalka iyo xaqiiqsiinta,  kala wareejinta miisaaniyadda iyo diiwaangelinta baarista deeqada, baarista dambena waa xaqiijinta isticmaalka miisaaniyadda sanadka, baarista dhammaan hay’adaha dowladda, baarista daqliga iyo hay’adaha dowladda,  intaasina waa howlaha uu qabto xafiiska hanti dhowrka” ayuu yiri Cali Abukar

Wasiirka wasaarrada maaliyada C/raxmaan Ducaale Bayle ayaa sheegay in ay maanta fuliyeen soo jeedinta golaha wasiirada iyo go’aanka ka soo baxay xafiiska Madaxweynaha ee ahaa in xilka Hanti-dhowrka guud lagu wareejiyo Cali Abuukar Axmed.

Wasiirka ayaa kula dardaarmay mas’uulka cusub in uu shaqadiisa ka soo baxo islamarkaana fuliyo howlaha horyaalla.

Wasiirka wasaarada cadaallada xukuumada Soomaaliya Xassan Xuseen Xaaji ayaa sheegay in xafiiska Hanti-dhowraha guud looga baahan yahay in howlaha uu u fududeeyo bulshada iyo hay’addaha kala duwan ee dowladda.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]