4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, May 8 , 2017
Wadatashiga dib u eegista dastuurka oo markii ugu horeysay laga qeybgalinayo naafada


Isniin, May, 08, 2017(HOL) – Wasaaradda Dastuurka xukuumada Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay wadda tashi la xiriira dib u eegista dastuurka la yeelaneysa dadka naafadaha ee qaba baahida gaarka ah.

Wasiirka wasaaradda dastuurka C/raxmaan Xoosh Jabriil oo ka hadlay shirka ayaa sheegay in wasaaraddu ku dhiiragelinayso dadka naafada ah in ay ka qaybgalaan olalaha dib u eegista dastuurka.

“Waxaa tihiin muwaadiniin xaq u leh waxa muwaadiniinta kale xaq u leeyihiin, waxa aan hubin doonnaa in dastuurka uu noqdo mid idiin daryeela islamarkaana xuquuqihiina tilmaama” ayuu yiri wasiir Cabdi Xoosh.

Dhanka kale, ka soo qaybgalayaasha ayaa wasaaradda ugu mahadceliyay sida ay ugu dhiiratay in ay kulankan la qaataan oo ay talladooda dhageystaan, iyaga oo ku dhiirageliyay wasiirka iyo dhamaan shaqaalaha wasaaradda in ay qareen u noqdaan dadka baahiyaha gaarka ah qaba.

Ugu dambeyn, wasiirka ayaa ballan qaaday in dhamaan maamul goboleedyada dalka la gaarsiin doono kulamadan wadatashiga ah si dadka ay ugu dhiiradaan in taladooda ay uga qaybqaatan ololaha hanaanka dib u eegista dastuurka oo wasaaraddu ay ka go’antahay in uu noqdo mid daah-furan.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]