Madaxweyne Farmaajo oo safar ku tagay degmada Afgooye gobolka Sh/hoose
Isniin, May, 08, 2017(HOL) – Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo
iyo wafdi uu horkacayo ayaa safar dhulka ah ku tagay goor dhaw degmada Afgooye
ee gobolka Shabeellaha hoose.
Safarka madaxweynaha ayaa noqonaya kii ugu horeeyay ee dhulka uu sii maro
meel ka baxsan magaalada Muqdisho, marka loo eego safarkii ugu dhawaan ku tagay
magaalada Baydhabo oo madaxweynuhu uu sii raacay diyaarad.
Waxaa siweyn loo adkeeyay amniga waddada xiriirisa Muqdisho iyo Afgooye ,waxaana subaxnimadii
hore ee saakay la xayiray dhamaan dhaqdhaqaaqyada dadka iyo gaadiidka, waxaana
hakad ku yimid gaadiidkii labada dhinac isu kala gooshi jiray.
Madaxweyne Farmaajo ayaa hada kulan la leh qeybaha kala duwan ee bulshada
reer Afgooye, waxaa uu kala hadlayaa xaalada ammaan iyo mid nololeed ee ay
qabaan.
Dadka gobolka Shabeellaha hoose ayaa cabasho weyn ka muujinaya isbaarooyin
aan tiro laheyn oo yaala inta u dhaxeysa waddada xiriira Muqdisho ilaa laga
gaarayo degmda Wanlaweyn, taasoo caqabad ku ah isku socodka dadka iyo gadiidka.
Sidoo kale safarka madaxweynaha ayaa imanaya xili labo cisho ka hor gobollka
Shabeellaha hoose uu dagaal ku dhaxmaray ciidamada dowladda oo kaashanaya kuwo
Mareykanka ah xoogagga ururka Al-shabaab waxaana dagaalkaa lagu dilay askari
Mareykanka ah, halka dowladda Soomaaliya dhinaceeda ay sheegatay in ay dishay
sarkaal sare oo ka tirsanaa Al-shabaab.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]