4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, May 8 , 2017
RW ku-xigeenka : Ma sahlana in la gaaro doorasho qof iyo cod ah sanadka 2020-2021

Isniin, May, 08, 2017(HOL) – Ra’iisal wasaare ku-xigeenka xukuumadda Soomaaliya Mahad Maxamed Guulleed oo hadal ka jeediyay kulan ay soo qabanqaabisay wasaarrada arimaha gudaha iyo federaalka ayaa sheegay in aysan aheyn howl sahlan gaarista doorasho qof iyo cod ah, hasse ahaatee dowladda federaalka arintan ku dadaali doonto.

‘’In doorasho qof iyo cod ah la gaaro sanadka 2020- 2021 ma’aha arin sahlan, waxaan u baahannahay in dastuurka dib loogu noqdo taa oo macnaheedu yahay kala xadeynta nidaamka awooda federaalka dowlad gobolleedyada iyo dowladda dhexe, waxaa kaloo loo baahan yahay in sharci loo diyaariyo oo laga shaqeeyo arintan laakiin waa in heshiis laga yahay marka hore gudiga doorashooyinka Qaranku muxuu xaq u leeyahay muxuuse qabanayaa iyo sidoo kale guddiyada doorashooyinka heer gobol maxey xaq u leeyihiin, waxaa kaloo meesha ku jira xeerka jinsiyada oo u baahan in iyana laga heshiiyo madaama loo baahan yahay in la diyaariyo diiwaangalinta Madaniga ah si muwaadinku u helo ID Care -ka codeynta iyo in la helo guud ahaanba tirkoobka dadweynaha Soomaaliyeed oo sax taasoo asal u ah in doorasho qof iyo cod ah ay dhacdo’’ ayuu yiri ra’iisal wasaare ku-xigeenka.

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in ay go’an tahay in ay ka shaqeeyaan sidii shacabka Soomaaliyeed ay u soo dooran lahaayeen qofka ay rabaan.

Balanqaadkan ah in dalka ay ka dhacdo doorasho dadweyne ayaa ka mid ahaa qorshayaashii dowladdii uu madaxweynaha ka ahaa Xassan Sheekh Max’uud oo laakiin markii danbe shaacisay in aan la qaban karin doorasho qof iyo cod ah sababo iyo daruufo markaa jiray awgood, hasse ahaatee lama oga sida dowladda hadda jira arintan ugu guuleysan karto.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]